Xuska meytida Q.1aad: Dhacdadii Hargeysa ee dhoweyd 18/11/2020

Noole kastaa adduunyada waa ku socoto, qof kasta noloshiisu waxa ay leedahay barbilow iyo bardhammaad, midna talo kuma laha qofku, way u simanyihiin arrintaas mid Alle yaqaan ah iyo mid Alle diid ahiba.

Qofka muslimka ahi waxa uu huwanyahay karaamada Islaamnimada marka uu noolyahay iyo marka uu dhinto labadaba.

Xuquuqda qofka muslimka ahi uu ku leeyahay muslimiinta kale waxa ka mid ah, in ay si fiican u aasaan, janaasadiisa raacaan, una duceeyaan.

Nebigu -scw- markii uu tiranayey xaq muslimku ku leeyahay walaalkiisa kale ee muslimka ah waxa uu ku daray : “In uu soo booqdo marka uu xanuunsado, marka uu dhintana aaskiisa ka qeyb galo”.

Sidoo kale Alle-korreeye- markii uu sheegay fadliga Muhaajiriinta iyo Ansaarta, waxa uu ka danbeysiiyey, “kuwii dabadood yimina waxa ay odhanayaan Ilaahayow noo denbi dhaaf annaga iyo walaalahayagii naga horreeyeyba…..”

Shareeco ahaan ma jirto cid la ina amray in aynnu xus u sameynno dhimashadooda ka dib ama soo booqanno xabaalahooda, waxase si guud la inoogu sheegay in aynnu qubuuraha siyaaranno, waayo aakhiro ayay idin xasuusinaysaa ayaa la yidhi, haddii aynnu soo agmarro ama soo booqannana u duceynno.

Afar arrimood ayaa qubuuraha loo booqdaa oo inta badan Aadmigu sidaa u yeelaan:

1. In lagu waantoobo oo nafta la xasuusiyo dhimashada iyo meesha loo socdo, si loogu boorriyo in ay u shaqaysato- Waa sababta la inoo amray in aynnu soo booqanno.

2. In loo duceeyo cidda la soo siyaartay ee xabaalaha ku duugan, oo Alle loo weyddiiyo naxariis, denbi dhaaf iyo janno – waa sida sharciga ah Muslim ahaan.

3. In laga duceysto oo la baryo – Tani Islaamka waa ku xaaraan oo waa shirki.

4. In la xasuusto oo murugo loo muujiyo iyada oo la weynaynayo – tanina waa shuqul gaalo oo muslimka soo galooti ku ah.

Dhacdada ka dhacday meesha “Xabaalaha gaalada” la yidhaahdo ee Hargeysa ku taalla’ haddaanan is moodsiinin- gaalo kuma aasna, waxa ku yaalla keliya tabbeelooyin loo taagay xuskooda, oo magacyadoodu ku qoran yihiin.

Meeshaas waxa iigu danbeysay muddo soddon sanno ka badan oo aannu xaafad ahaan u dhoweyn, caruurnimadiina ku ciyaari jirnay, waa meel dayran oo faraawil qurux badani ku beeranyahay oo laga shaqeeyo, sida aan ku ogaa, xerada miiska saraakiisha la odhan jiray ayay dhabarka ku haysaa, waxa u dhowaan jiray xabaalaha saraakiisha, oo madaxdii dawladdii hore lagu aasi jiray.

Xuska loo sameeyo gaalada halkaas loo calaamadiyey iyo kuwa la midka ah, waxa looga jeedaa in lagu weyneeyo oo lagu ammaano shaqo wanaagsan oo ay soo qabteen!

Haddaba su’aalaha isweyddiinta mudani waxa weeye:

1) Muslim ahaan ma inoo bannaantahay in aynnu gaalo weynaynno, oo xuska lagu weynaynayo ka qayb gallaa?

2) Gaalada gumaystaha ka dhimatay, oo laga yaabo in ay dileen dad xornimo doon ah oo muslim ahi, maxay tahay waxa aynnu ku karaameynayno ee ku xusaynnaa?

3) Ma bannaantahay –sideedaba – in qof gaalnimo ku dhintay loo duceeyaa, ama xuska loo dhigayo ee loogu ducaynayo laga qayb galaa?

4) Ma bannaantahay sharci ahaan in dhulka muslimiinta gaalo lagu aasaa?

Qormadeenna 2aad ayaynnu ku wadaagi doonnaa jawaabaha su’aalahaas, haddii Alle idmo.

 

 

Dr-Abdulqani Hussein Beder

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker