Maraykan Waxbaa Ka Salag Leh

Meeshi Maraykan Waxba Ka Salag Leh. Dhibtuna Waa Dadka Doorashadii Hore Lagu Kala Qaybiyay Sidii Somaliland Ka Dhacday 2017-kii .

“Haddii Xil-wareejintu daahdo Dad badan ayaa dhiman doona “. Joe Biden.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in dad badani ay dhiman doonaan haddii xukuumadiisa cusub ay caqabad kala kulanto xil wareejinta Madaxweynaha Xilku ka dhammanaayo ee Donald Trump.

Mr. Biden ayaa sheegay in wada shaqeyn loo baahnaa si looga hor tago xanuunka albaabada isugu dhuftay USA ee Covid-19.

Madaxweynaha dooran ee Maraykanku wuxuu mas’uuliyad darro ku tilmaamay diiditaanka Trump ee ah inuu aqbalo guul darradii ka soo gaadhay doorashadii madaxtinimada 2020.

Kooxda ololaha doorashada ee Trump ayaa billaabay inay gudbiyaan dacwad ka dhan ah natiijadii doorashada. Kooxdan Trump iyo colkiisa oo ah badi Xisbiga Jamhuuriga ayaa dalbanaysa in dib loo tiriyo codadka gobollada qaar iyaga oo u sababeeyay wax isdaba marin iyo in si aan habooneyn loo xisaabay.

Ilaa iyo hadda rabitaankooda dacwadaas ayaa guul darreysa tay maadaama sida la sheegay aan la haynin cadeymo buuxa.

Madaxweynaha xilkiisu uu dhamaaday ee Donald Trump ayaa Isniintii doraad wuxuu bartiisa twitarka ku soo qoray “Doorashada waan ku guuleystay”. Taas oo ah waali kale iyo jar iska xoornimo aan cadayn wadan.

Hay’adda dawladda Maraykanka u qaabilsan xil wareejinta ee loo yaqaano GSA, uuna magacaabayo Trump ayaan weli aqoonsan guusha Biden iyo ku-xigeenka madaxweynaha Kamala Harris. Waxan socda maha wax hawl-yar waddankii Dimuquraadiyadda Adduunka tusaalaha ugu aha ayaa hadda madaxa iskula jira. Dhibta waxan hadda taagan keentay ayaa ah hoggaaminta Trump oo ki timi kala qaybintii ugu xumayd ee tariikhda Maraykan ummaddiisa la kala qaybiyo, waxay u sawir eegtahay doorashadii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kursiga ku yimi oo ahayd mid Shacabka Somaliland si aan hore loo arkin loo kala qaybiyay taas oo ilaa hadda hiirankeedi iyo haarihii ay ka tagtay Somaliland ka muuqdan .

Markay sidaa tahay maxaad filaysa doorashada danbe ee Somaliland ka dhici doonta haddii Alle idmo iyadoo ummaddii sida u kala qayb santahay. Markaynu Maraykan oo Adduunka ugu awood wayn aragto halkuu maraayo innaguna ??? ALLOW ALLEH . Khayr ayaynu rajayn Huunayaal.

 

WQ: Muniir Axmed Cigaal

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker