KANIISADDII FAQASHTA!

KANIISADDII FAQASHTA!
#Qawdhan: War Dubbad bal warran, beryahan maxaa dalka ka cusub.
#Dubbad: War cusaybna garan maynee na daa nin yohoow. Anigu ummadan meel loo wado waan ku wareersanahay.
#Qawdhan: War ninyohoow intaa wax daran baad sheegtaaye, maanta maalin ay ka wanaagsan tahayba maynaan soo marine, maxaa kuu sanqadhaya.
#Dubbad: Wallee waa yaab, war ma ummaddan kaniisadda loo jiheeyey baad leedahay wanaag bay haysataa.
#Qawdhan: War nimankaa British ee ina gumaysan jirey haddii loo yara xarrigay dee iyagaa citiraafka kolkii horeba ina siiyaye maxaa ku jaban, wax baa nimanka inagaga xidhane.
#Dubbad: Waryaahee, waar ma kaa dhabbaa waxan aad igula hadlaysaa.
#Qawdhan: Dee inamadii dagaalka kaga dhintay bay xusayaane haddaynu u yara jiibinnay oo jaanta ka yara tiirinnay, aniga dhib weyn iima muuqdee, shaydaanka iska naar.
#Dubbad: Shaydaan aan kaniisad ahayn iyo waxa wax moodaya anigu garan maayee inaga kala kaxee.
#Qawdhan: Waar hadda Dubbadoow ogoow inamadeeniina way ku dhinteen dagaalladii dunida ee arrinkaa la soco.
#Dubbad: Oo inamadeennu ma gaalay ahaayeen, xaggay kaniisadda iska soo galeen. Teeda kale inamada aad sheegayso ma waxay ahayd inaynu nimanka magtooda ka doonano mise inaynu kuwii dilay ubaxyo u qaadno oo kaniisaddooda ugu geyno! Haddaynuse u ducaynayano dadkii inaga dhintay maynu masaajiddada uga ducayno.
#Qawdhan: War horta arrinkaa kaniisadda ayaan meesha ku jirin waa runtaaye. Xaggay inaga soo gashay bahashu?
#Dubbad: Waar kaniisaddan nijaasta ahi ma ogtahay inay tahay tii Talyaaniga ee Rooma xarunteedu ahayd.
#Qawdhan: Noow, tanaba u daran, ma Kootali baa? Oo maxaa Talyaanigii qudhmuunaana inoo keenay.
#Dubbad: Kaaga sii darane ma ogtahay inay kaniisadda Xamar hoos tagto!
#Qawdhan: Oo maxaad mar hore noogu sheegi weydey hadday wuxu kaniisaddii “#Faqashta tahay!”
#Dubbad: War nin yohoow waddanka waad iska joogtaaye wax kala baro. Gaalkan xun ee dadkeenna rigeeyey, ma waxaad u haysataa inuu diintii Ingiriiska akhrinayey
#Qawdhan: Haddaa muxuu akhrinayey
#Dubbad: Iga walla tii Talyaaniga ayuu dabada u qabtay
#Qawdhan: Oo meesha aan moodayey in citiraafku ka soo dhowyahay illeyn kaniisad faqash bay wuxuba ahayd. War heedhe beladan dafdafleh ee ina Cali Waraabe nin reer magaal ah baan moodaye miyaanu kaniisadaha kala aqoon!
#Dubbad: Bal adigu ka warran nin ay Sunni xaajo kaga xidhan tahay oo haddana Shiico la dabaaldegaya!
#Qawdhan: Dee way sii xanaaqi lahaayeen.
#Dubbad: War nimanku Kootali iyo Protestant bay kala yihiinoo dabka ma kala qaataan. Baadariyadii London joogey maanta weer cad baa u xidhan.
#Qawdhan: Oo ma waxaad leedahay ficilkeennii shalay wuxuu dhalay “geelu ragaadka isagaa isku sii fogeeya”
#Dubbad: Waar iska aamus ninyohoow ummaddan loo jid bixin maayee.” Ceebta dadkeenna aynu dhaxalsiinnay iyo denbiga Alle, waxaa inoo dheer godobta aynu ka galnay gaalkeennii Ingiriis. Nimankii reer Somaliland baa kaniisad Kootali tegey haduu maqlo saw inuu qarracmo xaq uma laha. Ilaa shalay waxa laga soo sheegayey “fakin shid” inay ina soo lahaayeen!
#Qawdhan: War illeyn belo, oo nimankan Faqashtu way ina xushan yihiin ilaa Kaniisadihii hadday socdeene. War bahasha maxaynu u eeganaynaa maynu iska duminno.
#Dubbad: Dee taasaabay tegi. Waar nimankaa koonfureed masaajiddadii baannu uga taag la’ayne hadday kaniisadihiina inoo soo raaceen, meeliba inooma fiyooba.
#Qawdhan: War waxan Walaweynta ah sidee isaga furfurnaa. Wuxu maxay ahaayeen, kaniisaddayadana noo dayn maayaan, wuxu saqajaansanaa!
#Dubbad: War heedhe nabad gelyo, odayaal baa i sugayee.
By: Maxamuud Ibrahim (Xaaji)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker