Ciidamada Ethiopia oo Qarka U Saaran inay Qabsadaan Xarunta Gobolka Tigrayga
Mekelle (OWN) Dawladda Ethiopia ayaa sheegtay in Ciidamadeedu ay kusii Siqayaan caasimadda gobolka Tigray,
kadib markii laga gudbay waqti laba toddobaad ah oo ay u qabatay ciidamada TPLF inay isku soo dhiibaan.
“Ficilka ugu dambeeya ee fulinta sharciga waxaa la fulin doonaa maalmaha soo socda,” waxaa sidaas yidhi Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.
Guddiga Abiy u xil saaray dagaalka Tigray ayaa dhankoodana ku eedeeyey Tigraya inay burburiyeen Buundooyin isku xidhi jiray magaalada Caasimadda ah ee Mekelle iyo qeybaha kale ee dalka, si ay u joojiyaan ciidamada federaalka ee kusoo siqaya.
“Fallaagada TPLF waxaa dhowaan lagula xisaabtami doonaa burburinta kaabayaasha iyo dambiyada ay ku kacayaan,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay guddiga.
Ma jiro illaa iyo hadda wax wara oo kasoo baxay TPLF oo la xidhiidha sheegashada dowladda.
Ciidamad federaalka ayaa sidoo kale sheegtay inay “xoreeyeen” deegaanada Raya, Chercher, Gugufto iyo Mehoni oo ku yaalla qeybaha bari ee gobolka Tigray, iyo deegaanada Shire oo ku yaalla dhinaca galbeed.
Ciidamada federaalka ayaa sidoo sheegtay inay burburiyeen saldhigyo militari xilli ay kusii socdeen Mekelle.
“Ciidamada fallaagada waxay hadda ku jiraan dib u gurasho, waxaana ku siqaya kuwa federaalka si cadaaladda loo mariyo,” ayey tidhi dowladda.
Hoggaamiyayaasha Tigrayga ayaa ku eedeeyey ciidamada federaalka inay burburiyeen biyo xireen iyo warshad sonkor, ayaga oo si “arxan darro ah” u weeraraya shacabka shanta milyan ah ee Tigray-ga.
Dowladda waa ay beenisay inay beegsatay shacab.




