Dufcadii 12aad Oo Ku Dhaw 500 Arday Oo Ka Qalinjabiyay Jaamacada ADMAS Ee Hargeysa

Hargeysa, (OWN) – Dufcadii 12aad oo tiradoodu ku dhawayd 500 Arday ayaa maanta ka qalinjabiyey Jaamacadda Admas ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo munaasibad balaadhan oo loogu fooladeeyey loogu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Munaasibadii Qalinjabinta Ardayda Jaamacada Admas ayaa waxa ka soo qaybalay masuuliyiin Wasiiro ah oo ka socday xukuumada, Xisbiyada Mucaaridka, Xildhibaano, Maayiro, Waalidiin, Arday iyo Martisharaf kale oo tiro badan.
Ardaydan Jaamacada Admas ka qalinjabisay maanta ayaa baratay culuumta kulliyadaha kala duwan ee heerka Koowaad ee Degree iyo heerka labaad ee Master, waxaana ka mid ah kulliyadaha ay Ardaydaasi ka qalinjabisay oo kala ahaa Accounting, Architecture and Urban Planning, Social Work, Economics, Human Resource (HR), ICT, Nursing, Development Studies, Management, Public Heath iyo kulliyado kale oo ay bixiso Jaamacaddu.
Ugu horayn waxa munaasibadaasi ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada Admas Dr. MollaTsegay, kaas oo u hambalyeeyey ardayda Jaamacada Admas ka qalinjabisay u hambalyeeyey, kuna bogaadiyey mudadii ay soo wadeen waxbarashada kulliyadaha kala duwan ee ay bixiso Jaamacada Admas iyo sidii ay ugu soo dhabar adaygeen inay halkan soo gaadhaan.
Axmed Cabdi Dheere oo ka socday xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu yidhi “Maanta halka aynu taaganahay, iyo halkii laga soo bilaabay Somaliland, waxa maanta waajib inagu ah dad Islaam ah baynu nahay inaynu ilaahay ugu mahadnaqno, quruxdaa, wanaagaa, aqoontaa iyo dalkeenii oo xor ah oo ardaydeenii ay Jaamacado Gobol walba ka soo baxayso,” ayuu yidhi Axmed Cabdi Dheere.
Sidoo kale waxa isaguna Munaasibada Qalinjabinta Ardayda Jaamacada Admas ka hadlay Xoghayaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi, kaas oo yidhi “Waxaan aad u hambalyeynayaa dhalinyarada maanta halkan ka qalinjabisay, waalidiintooda iyo macalimiintooda, wakhtigii dheeraa ee ay shaqadaasi soo wadeen iyo tacabkii ay soo galiyeen.
Waxbarashadeena sare run ahaantii heerka ay soo gaadhay iyo halka ay maanta maraysaa amaan bay inaga mudan yihiin dadka gacanta ku hayaa, hawl badan bay galiyaan duruuf badan bay ku shaqeeyaan, xaalad adag ayay ku shaqaynayaan,” ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee xisbiga Wadani Mudane Khadar Xuseen Cabdi.
Geeska kale waxa isaguna munaasibadaasi loogu fooladaynayay Ardayda Jaamacada Admas ee magaalada Hargeysa ka qalinjabisay oo tiradoodku ku dhawayd shan boqol oo arday, hadal u jeediyey Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.
“Waxaan hambalyeynayaa marka u horaysa dhalinyarada ka soo baxday dalka, Jaamacada Admas iyo waalidka ka shaqeeyey waan hambalyeynayaa.
Maanta waxa loo baahan yahay doorashaynu galaynaa, doorashadaa aynu galayno waxa aynu rabnaa in “cultural revolution” aynu samayno, dhaqankeenii xumaa ee Tulaay inaynu badalno ayaynu doonaynaa,” ayuu yidhi Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.
Gabogabadii Sidoo kale waxa iyaduna halkaasi ka hadashay Marwo Faadumo Siciid iyo masuuliyiin kale kuwaas oo dhamaantoodba ardaydii maanta qalinjabisay madashaasi uga jeediyey hadalo dhiirigalin iyo dardaaran ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker