Hambalyo: Duuliye Ahmed dheere ka mid noqoshada muwaadiniinta reer Somaliland iyo degista uu Hargeisa dagi doono kadib markii lasiiyay dhalashada iyo bilad geesida

Duuliye Ahmed Dheere oo ah duuliye Somaliland abaal ku lahaa kadib markii uu diyaaradii uu ku duqayn lahaa Shacabka reer Hargeisa uu ka damqaday kana badbaadiyay duqayntii Isla markaana uu bada djibouti ku Tuuray shaqadiisiina sida ku waayay.

Qofka bank aadamka u mahadniqi waayaa ilaahay swt. Uma mahad naqo. Waxaan in badan ku fikir jiray in duuliyaha Hargeisa lagu deegameeyo oo guri looga dhiso. Ilaahay mahadii maanta #madaxweynaha_qaranka jamhuuriyadda #Somaliland aya abaalkii inaga celiyay qaybtii ugu muhiimsanayd inkastoo aan abaalkiisa lawada gudi karin. Waxa lagudoonsiiyay #Ahmed_dheere dhulkii uu guri Hargeisa kadhisan lahaa iyo waliba bilada qaranku bixiyo ta ugu qaalisan iyo waliba Somaliland Passportka dimlamacy ga ah taas oo macnaheedu yahay manta laga bilaabo waa muwaadin karaamo leh oo reer Somaliland ah.

Runtii waa arin aniga shucuurtayda kicisay oo aan ku faraxsanay waayo waxaan kamida aha caruurtii marka gacanta lahayay we diyaaradu maalin walba galin hore iyo galinka danbe at duqaynjirtay. Waxaan xasuusta maalin anagoo dooxa annaya kubad ku ciyaarayna meel hablo dhar ku maydhayaan ay na duqaysay diyaaradii oo ay goobtii ku laysay caruurtii ciyaaraysay iyo qaar kamida hablihi dharma qasaalayay.

Sida darteed macno badan ayay ii samaynaysaa arintani ugu danbayntii waxaan ugu baaqaya ganacsatada rer Somaliland inay dhulka udhisaan lasiiyay duuliyaha. Ugu danbayn waxan ugu mahadnaqaya madaxweynaha Qaranka Somaliland Muse Biixi ee sidan qiimaha badan u maamuusay Duuliye Ahmed dheere.

 

 

Allah Mahad leh
Abdiqani Salaf.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker