Difaaca Suubbanaha

Shan sannadood ka hor ayey jariiraddii Charlie Hebdo ee Fransiis aflagaaddo u gaysatay nebi Maxamed NNKH. Maalmihii la soo dhaafayna macallin u dhashay isla dalka Fransiiska ayaa sawir gacmeed ku aflagaadeeyey.

Macallinkaas oo la odhan jiray Samuel Paty ayaa loo dilay arrinkaas. Waxa intaa ka dib dhowr jeer hadlay madaxweynaha Fransiiska Emmanuel Macron; mar u sheego in sawir-gacmeedka lagu aflagaadaynayo nebi Maxamed NNKH faafintiisa iyo daabacaaddiisu sii socon doonto iyo mar u yidhaa Islaamku waa diin xasaradeed.

Muslimiinta qofka u mudan agtooda sharaftiisa in ay dhowraan waa nebi Maxamed NNKH. In lagu gefo, laga been abuurto oo lagu jeesjeeso maaha wax ay aqbalayaan.

Diinlawayaashu meel kasta iyo wakhti kasta oo ay joogaan waa mid. Haddaynu maanta arkayno qaar sawir-gacmeed Nabiga ku aflagaadaynaya, isaga oo nool ayey beeninayeen. Waxay  yidhaahdeen: “waa saaxir” “waa gabyaa waalan” “gelinka hore iyo ka dambe ayaa loo soo dhigaa” iyo hadallo ka sii liita.

Adduunyadu maalinna adiga ayey kuu hiilisaa maalinna way kaa hiilisaa sida Alle Quraanka ku sheegay,  “Maalmuhu waxay ku dhex wareegaan dadka.” Aayadaasii waxa ay soo degtay markuu dhammaaday dagaalkii Uxud ee Muslimiinta lagu jabiyey, iyaguna is wada eersadeen, ayaa Alle SWT ku yidhi, “Wixii dhacay nafiina ayaa kasbaday.” oo la lahaa cid kale ha eersanina ee qof waloow naftaada canaano.

Waa midda labaad e’ isku jirteen oo waxa aad ahaydeen sida aayaddu sheegtay qaar kala socda, “Waxa idinku jiray mid adduunyo doon ah, waxa kale oo idinku jiray mid aakhiro doonayey.” xalkii wuxu noqday idinka ayaan mid ahayn ee isku milnaa.

Inta qofka Muslimkaa cadawga uu leeyahay yahay mid kale oo Muslim ah. Inta dal kasta oo Islaam ahi cadawgiisa u haysto dal kale oo Islaam ah ha eegin in aad cid kale iska celisaan.

Ilaahay SWT wuxu yidhi, “Annaga ayaa kaaga filan (Maxamadoow) kuwa kugu dheeldhelaya.” Ilaahay SWT ayaa ku filan gaalada maanta aflagadaynaysa Rasuulka CSW,  se innagu ma sidii reer Nebi Muuse ayeynu nidhaa Ilaahay iyo malaa’igtiisa ayeynu u daynay? Mise qaar ka dhidhiya oo ka murugooda ayeynu noqonnaa?

 

Cabdirisaaq Rakuub

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker