Xusuusta Qaraxyadii Maanta Oo Kale Ka Dhacay Magaalada Hargeysa 29,Oct,2008

12 Sanadood ayaa laga joogaa maanta oo kale markii qaraxyo is-miidaamin ah ka dhaceen magaalada Hargeysa gaar ahaan XarumahaSafaarada Itoobiya,Xaruntii Qaramada Midoobey iyo Madaxtooyada Somaliland.

 

Qaraxyadaas ayaa waxaa ku dhintay 24 oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland, oo uu ka mid ahaa Xog-hayihii Xafiiska Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Alle ha u naxariistee, Daahir Cali Iid iyo saddex qof oo u dhashay dalka Ethiopia, in kabadan 31-qofna waaay ku dhaawacmeen. Qaraxyadii ka dhacay Hargeysa 29-Bishii Oktoobar sannadkii 2008-dii Somaliland ayaan noocooda hore looga maqal Somaliland, waxayna u dhaceen si xidhiidh ah muddo 3- daqiiqadood gudahood ah abbaaro 10:00 subaxnimo todoba sano ka hor, iyada oo gariirkooda laga dareemay gudaha iyo goonyaha magaalada Hargeysa. Wuxuuna qaraxii u horreeyey ka dhacay xafiiska hay’adda Qaramada Midoobey u Qaabilsan Horumarinta ee UNDP ku leedahay Hargeysa, halkaas oo gaadhi Toyota Surf ah oo ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa uu gudaha isugu tuuray dhismaha ay ku yaallaan xafiisyada hay’addu. Daqiiqad kaddib ayaa qarax kale oo kaas ka xoog badani waxa uu ka dhacay Xafiiska safaaradda Itoobiya ku leedahay Hargeysa, iyada oo qaraxa saddexaadna uu waxyar ka dib ka dayaamey gudaha Qasriga Madaxtooyada, halkaasi oo uu ku sugnaa madaxweynihii hore ee Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin. Xarunta Madaxtooyada oo weerarkaasi ka dhacay wakhtigii hawl-maalmeedka xafiisyada ayaa markiiba waxa ku geeryoodey qaraxaasi, Xog-hayihii Xafiiska Madaxweynaha, Alle ha u naxariistii Daahir Cali Iid iyo Xidhiidhiyihii Madaxtooyada iyo hay’adaha Caalamiga ah, Alle ha u naxariistee, Xuseen Af-gaab. Waxa kale oo la sheegay inay halkaas ku geeryoodeen Xubin ka tirsanaa Golaha Guurtida, mudane Maxamed Cismaan Libaaxo (Laangadhe Libaaxo), Mujaahid ka tirsanaa halgamayaashii SNM oo lagu naanaysi jirey Indha-fariidle iyo dhawr askari oo ka tirsnaa Ilaalada Madaxtooyada. Waxa iyana si xun uga dhaawacmay weerarkaas Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, Col. Abokor Sulub iyo sarkaal ka tirsan Sirdoonka Qaranka, Ibraahim Huutuu. Weerarka ka dhacay xarunta hay’adda UNDP ayaa isna la sheegay inay ku dhinteen laba askari oo Boolis ah iyo madaxii ammaanka ee hay’addaasi. Xukuumadda Somaliland ayaa qaraxyadaasi ku eedeey kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta koonfurta Dalka Soomaaliya, dhinaca kalena qaraxyadan waxaa sheegatay Ururka Al-Shabaab. Isla 29-kii bishii Octobar waxaa qaraxyo xidhiidh ah ay ka dhaceen maamulka Puntland qaraxyadaasina ay sheegatay Al-Shabaab.

Related image
Ugudanbeyntii, Maalintan ayaa ah maalin madaw oo soo martay shacabka reer Somaliland guud ahaan gaar ahaan shacabka magaalada Hargeysa, oo qaraxyadaasi ku waayay dad tiro badan oo ay ku jiraan hal-doorkii ummadani lahayd. Haddaba dhammaanteen waxa innagu waajib ah oo innala gudboon in ay maanta faataxada u marno dhammaan dadkeenii Halkaasi ku geeriyooday.

 

Halkan Hoose Ka Daawo wararkii Muuqaal Muujinaaya Qaraxyadii Wakhtigaasi Dhacay:

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker