Dalladda Somaliland Society in the Netherlnads (SSNL) waxay halkan taageero iyo bogaadin ugu soo gudbinaysaa Xukuumadda Mawqifkii ay ka qaadatay Hayada UN-Ka.

Dalladda Somaliland Society in the Netherlnads (SSNL) waxay halkan taageero iyo bogaadin ugu soo gudbinaysaa Xukuumadda Somaliland go’aanka geesinimada leh ee ku wajahan heshiiska liidnimada ah ee Somaliya iyo UN-ka, kaas oo ay Somaliland ganafka ku dhufatay kuna joojisay wada-shaqeyntii xafiiska hay’addaa ee ka hawlgala Somaliland iyo tallaabooyinka laga qaaday mashaariicdii UN-ku ka wadeeen gudaha Dalka.
Mawqifka xukuumaddu waa mid lagu xaqiijinayo Madaxbannaanida Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, iyo inay tahay dal gooni u taagan oo taladiisa aan cidna u daba fadhiisanayn cidna aan marti uga noqonayn.
Waa tallaabo ku dhac leh oo kor u qaadday karaamada iyo sharafta qaranimada iyo haybadda dawladnimo. Waxayn ka turjumaysaa dhaqanka Somaliland ee keena-diidka ah, oo aan marna aqbali Karin bahdil, da’la’si iyo liidnimo.
Qaraarkani wuxu markhaati u yahay muqaddasnimada Somaliland iyo in aan marnaba, sinaba gorgortan u geli Karin qaranimada jamhuuriyaddan barakaysan.

 

Bayaanka xukuumadu soo saartay wuxu cashar u yaha y una quus gooynayaa dadkii soo malmalluuqay Qorsha-ku-sheegga Somaliya iyo ergayga UN-ka ku heshiiyeen, kuwaas oo ah dad xogmooyayaal ah oo aan dhugmo u lahayn sooyaalka taariikheed ee dadka iyo dalka Somaliland.
Ummadda Somaliland waa qawmiyad iyo qaran aan la sandulleyn Karin laguna dagi Karin sandareero. Waa ummad qab leh oo quudhsi diid ah oo aan sinaba loo muquunin Karin.

 

Guddida Fulinta
Somaliland Society in the Netherlands (SSNL)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker