Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Oo Bulshada Ku Booriyey Inay Si-weyn Uga Qayb-qaataan Xuska Dhalada Rasuulka SCW Oo Ku Beegan Maalinta Khamiista.

Gudoomiyaha Jimciyada Waxbarashada Diinta iyo Qabanqaabbinta Xafladaha & Xusaska Diiniga (Jimciyatul Axbaab) Sayid Maxamed Sayid Cabdilaahi ayaa waxa uu Bulshada ku booriyey inay si-weyn uga qayb-qaataan Xuska Dhalada Rasuulka SCW, oo ku beegan 12 Rabiicul Awal 1442 oo waafaqsan 29 Nov 2020.

Gudoomiyaha oo Warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ugu horeyn Hambalyo udiray dhamaan ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta Caalamka meelkasta oo ay dunida kaga sugan yihiin Munaasibada Xuska Dhalashada Rasuulkeenii Muxamed SCW awgeed.

Gudoomiyaha oo ka hadlayay qiimaha xuska dhalashada nabiga Scw ayaa waxaa uu ku dheeraaday qiimaha ay maalintani leedahay isagoo dul istaagay sida ay u muhiimka ay u tahay in la xuso xuska dhalashada nabiga oo aan la dhayalsan .

Gudoomiyaha oo arimahan ka hadlaaya ayaa waxa yidhi” waxa aan si xushmad leh, bulsho-weynta Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Islaamka meel ay joogtaba ku baraarujinayaa, isla markaana ku hambalyeynayaa Xuska Dhalashada Rasuulka (CSW) oo ku beegan 12 Rabiicul-Awal 1442 Hijriyada oo waafaqsan 29 Nov 2020, Milaadiga taasoo ah maalinta Khamiista ee fooda inagu soo haysa,”

Dhinaca kale Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab ayaa waxa uu bulshada ku booriyey inay si weyn uga qayb-qaataan Xuska Dhalashada Xabiibkeena SCW isagoo arimahaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi” dhamaan bulshaweyntana waxa aan usoo jeedinayaa inay udiyaar-garoobaan isla markaana ay weyneeyaan Xaflada Xuska Dhalashada Rasuulkeenii Muxamed (CSW) kaasoo dhamaan Ummadda Islaamka looga baahan yahay inay weyneeyaan Xaflada Xuska Dhalashada Xabiibka Ilaahay(CSW)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker