Xakamaynta Shilalka Xawliga Xawaaraha gaadiidka Wadada Macalin Haaruun.

KU: WASIIRKA H. GAADIIDKA IYO WADOOYINKA
KU: TALIYAHA CIIDANKA BOOLIISKA JSL
KU: MAAYARKA MAGAALADA HARGEYSA
KU: TALIYAHA CIIDANA NABADGELYADA WADOOYINKA.
KU: GUDDOOMIYAHA XAAFADA MACALIN HAARUUN
OG: GUDOOMIYAHA GUDDIDA A. BULSHADA EE G. WAKIILADDA.
OG: WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA JSL.

 

UJEEDDO: CODSI IN DEGDEG WAX LOOGA QABTO KHATARTA
HALISTA GADIIDKA XAWAARAHA DHEER KUMA XAAFADA
MACALIN HAARUUN. OO AAN KA FOGEYN TALISKA C.N
WADOOYINKA.

 

Waxaan Masuuliyiinta Kor Ku Xusan, Ee Sharaf, Qiimaha Iyo Milgaha leh Xusuusunayaa, Kana Codsanaynaa, In Wax Laga Qabto, Xal deg-dega ahna loo helo Shilalka Dhimashada, Dhaawaca, iyo Halista joogtada ah
ku ah bulshadeena , waxay sida badan ka dhacaan, Waddada Bariga Hargeysa Xaafada Macalin Haaruun (Waddad Berbera) Waxaa shilalal kaas aafada ah Geysta Baabuurta noocyadooda kal duwan oo ay uban yihiin Booyadaha , Iska Rogooyinka, Iyo Qaadka Oo Ku Socda Xawaare 100 kmpka badan, inta u dhexeysa k a bilow Kaalinta Faraska Ilaa Iskuulka Kuweytiga. Waa deegsiimo ay ku noo shahay Bulsho 40,000 Kun gaadheysa. Culimada odayaasha iyo waxgaradka xaafadu muddo sanado ah ayay ka hadlayeen halistaas taagan ee u baahan in lagufeeyo taaso cidkasta oo waxka qabata if iyo aakhiroba liibanayso.

Jiidaas Xawaraaha xad dhaafka ah gaadiidku ku maro waxa Ku Yaal Iskuulo, Cusbitaalo, Hoteelo Hurdo iyo Cunto, Masaajido Waaweyn, Kaalmo Shidaal, Makhaayado, Malcaamado Iyo Goobo kumanaan Caruurta Yaryari Ku Ciyaaraan. Badbaadadeeuna Dhamaanteen way ina saran tahay haba u horeeyaan Masuuliyiinta Hayadaha Kor Ku Xusani IWaajibaad iyo Xaqa ina fuulay waxaa Kow Ka ah Sidii Loo yarayn lahaa halista khatartaas. Iyo in Laga Hortago Shilalka Gaadiidka Ee Dhimashada ku keeni kara nolosha Dadweynaha ee uu sababa xawaaraha daralku ogaan ugu ka xeeyo baabuurka.

Waxaa kale oo xusid muddan in Arintani Sigaara U Khusaysaa Taliska Booliiska Gaar Ahaan Laanta Nabadgelyada Wadooyinka Iyo Maayarka Caasimada Xoghayihiisa Iyo Gudoomiyaha Macalin Haaruun Ee Aagaas.
Waxaa Soo Raaca Wasaaradda Gaadiidka.

 

Waxaanu xal u araganaa oo codsnaynaa
1. In Degdeg loo dhigo Tuuro/Askari jiifa oo Lagu Xakamaynayo
Xawaaraha Gaadiidka (Speed hump reduce speed 15-20kph) Inta
U Dhexaysa Kaalinta Shidaalka Faraska, Masaajidka Tabliiqiga,
Kaalinta Najax, Saraar Hotel, Kaah Hotel Ilaa Iskuulka Kuweyt.
Waxaa ugu haboon in la sameeyo Tuuro waaweyn oo la mid ah
kuwa xawaaraha dhima ee laga sameeyey Abaarso, Carro yaambo,
iyo Arabsiyo. Waa hubaal inay shilka hoos u dhoigayso 90%.
(Speed humps are used for reduce speed in 15-20kmp speed
zones such as residential, hospitals schools and public area).

2. Waa in Wadaha Baabuurka ee Xawaaraha dheer ku socda Ku
Mutaysto Xadhig Aan Iib Lahayn haduu 15-30mph ka bato
magaalada gudaheeda (Criminal Speed face Jail/extreme-speed
offence,” Reckless Driving” Dangerous driving).

3. In Ciidanka Ilaalinta Nabad Gelayada Wadooyinku In Ay Gacan
Adag Ku Qabtaan Wadayaasha Xawaaraha Badbaadada Halista
Ku Ah In La Xidho. Iyo Kuwa Wadooyinka Sida Khaldan Umaraya.

4. In Wadayaasha Baabuurta dadweynaha Basaska iyo Tagaasida
Caasimada loo sameeyo qoshe cilmi ku dhisan oo khubaro sida
gaadiidka loo maamulo aqoon u leh loo raadiyo lana joojiyo 2000
Bus ee suuqa baakinka ka dhigtay.

5. In la helo muhindisyo takhasusus u leh habka socodka gaadiidka
(Transportation Engineers) oo ah khibrad iyo aqoon u gaara
baahidaas, yaraynta sumxada gadiidka iyo hanaanka dariiqyada
loo maro (way to reduce traffic jams, ).

6. In Magaalooyinka gudahooda loo sameeyo Calaamadaha
baabuura kala haga oo Hargeysa 1 ka tahay.

 

Arrinkan lama xidhiidho siyaasad. Waa badbaado shacab inaynu wax
qabanayno aan rajaynayo.

 

 

shaib mohamed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker