Warqad furan Ku socoda madaxweynaha Somaliland

Warqad furan
Ka timid abdisalaan mohamoud
Ku socoda madaxweynaha qaranka
Mawduuca Odweyne
Mudane madaxweyne kusoo dhawoow caasimada Gobolka Daadmadheedh ee Odweine xarunta shidaalka iyo khayraad ka dalka
Tan iyo intii aad xilka madaxweyne aad Talada wadanka qabatay waa markii labaad ee aad soo booqato gobolka waa arin muujinaysa dadaalka iyo juhdiga wadanka ku doonayso Inaad xogogaal noqodo baahiyaha aasaasiga ee gobolka
Mudane madaxweyne mudadii aad xilka haysay siyaasadaada waxqabad ee gobolka Daadmadheedh waa kaaga mahad celinaynaa waxqabad ka muuqda ee aad ka hirgalisay odweiwe
A.hirgelinta dhameystira Banka dhexe ee masuulka kaaga yahay Gudoomiye Cali Ibrahim Jama Baqdaadi oo ka hirgaliey dhisitaanka banki weyn oo ah rugunada dawladnimada kana soo baxey waajibadka qaran
B.maxkamadii gobolka la dhameystiran
C. Jeelki weynaa oo la dhisayo
Iyo dadaalo badan oo aad muujisay oo iyana socda
Mudane madaxweyne Baahiyaha aasaasiga ee u baahan Inaad u guur gasho
1. Odweine waa xuduntii xoolaha shidaalka iyo beeraha waa gobolka ugu balaadhan istaraatiji ahaan iyo baaxad ahaan ba madaxweyne Odweine cashuurteeda burco iyo hargeisa ayay ku dhacaan awood umalaha inay neefka xoolaha cashuurato oo ay u madaxbanaanaato waxaa dabar ku ah xeerka baarlamaanka oo Xanibay cashuurtii gobolka curyaamin weyna ku ah gobolka madaxweyne arinta wax ka qabo
2. Madaxweyne noqo mid hirgeliya balantii aad reer Oodweyne aad kaga farxisay Inaad wadada burco odweyne iyo hargeisa dhagax dhigto dhisi doonto taas oo aan odhan karo waxaad timid wakhtigeedi waa wado wax ku ool ah dhaqaale ahaan iyo dawlad ahaan ba waana halwable uu qarankani tebayo wadadan waxaa filayaa Inaad ka dhabayn doonto madaxweyne
3.madaxweyne waa Inaad daadajisaa nidaamka dawladnimada iyo adeega dawlada sidaad imikaba aad u wado dhaqaale ahaan maamul ahaan iyo dad ahaan waa nidaamka Dawadnima hargeisa la dhaafiyo goob kasta waa Inaad gaadhsiisa adeega dawladeed.
4. Madaxweyne masuuliyiinta gobolka metala kula xisaabtan waxay umada u qabteen uma baahnin masuul kursiga Oodweyne iskaga fadhiya waxii loo igmadeyna aan qaban uu guur galista odweyne masuul kasta a inuu xafiiskiisu ka shaqeeyo waxay ku tusi doontaa cida wax qabatay iyo kuwa aan waxba qaban si fudud baad u ogaan doonta
5. Baahiyaha aasaasiga ee gobolka waa kuwo aad u tiro badan Marka laga tago masuuliyiin faro ku Tiris ah oo shaqadooda kasoo baxay soona gaadhsiiyay adeegii dawladnimada ee aad u igmadey taasna aad ku abaalmariso wax qabad ka bulshada u qabteen kuwa aan wax qabana aad kula xisaabtando waxay wax uga qaban waayeen shaqadii dawlada ay u hayeen bulshada ugu celin waayeen
6. Mudane madaxweyne gobolka doorkii badhasaabnimada ayuu
7. Madaxweyne wasaaradaha gobolka inta badan xafiisyo kuma laha Marka laga tago wasaarada kooban
8.madaxweyne gobolka wuxuu baahanyahay kastamkii in loo sameeyo si gobolka ula jaanqaado gobolada kale dalka taas oo ka qayb qaadanaysa Koboca dhaqaale ee odweyne tabayo iyo dalkaba
socdaalkaaga waxay marag madoon u tahay sida aad ugu dafaxeydan tahay dalka Inaad meel fiican gaadhsiiso mudane madaxweyne waxaa filayaa Inaad Baahiyaha a wax ka qaban doonto waxna ka bedel I doonto.
Wabilaahi tawfiiq.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker