Waa maxay Ujeedka dhabta ah ee uu salka ku hayo Khilaafka Arrimaha Doorashada Ee Uu Dhexeeya Xukumadda Iyo Mucaaradka Somaliland.

Muxuu Ku Sahabsan Yahay Khilaafka Arrimaha Doorashada Ee Uu Dhexeeya Xukumadda Iyo Mucaaradka Somaliland.

Jamhuuriyadda Somaliland iyo xisbiga Mucaaradka, labada dhinac ayaana BBC-da u
sharraxay mowqifyadooda.

Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa sheegay inuu ka baxay heshiiskii laga
gaadhay khilaafkii doorashada iyo kordhinta tirada guddiga doorashooyinka
Somaliland, ka dib markii,

sida ay mas’uuliyiinta xisbaagi sheegeen, uu
Kulmiye “si badheedh ah u xagal daaciyay meel marinta heshiiskaasi,” oo ay ahayd inay ka doodaan golaha wakiilladu,
taasina aanay dhicin.

Hase yeeshee, siyaasiyiinta hoggaamiya xisbiga talada haya ayaa beeniyay
eedeynta loo jeediyay, iyagoo sheegay in arrintaas ay leedahay waji ka duwan
midka ay mucaaradku u yeelayaan.

Muxuu qoonsaday xisbiga Mucaaradka?

Hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa BBC-da u
sharraxay go’aanka ay qaateen.

“Maadaama ay xisbiga Kulmiye iyo xukuumaddiisu jabiyeen heshiiskii ay
saddexda xisbi wada galeen ee lagu horgeynayay golaha baarlamaanka in la
kordhiyo xubnaha guddiga doorashada, kuwaas oo toddobo ahaa, si looga
dhigo sagaal, annaguna sidaas awgeed mar haddiiba ay iyagu burburiyeen
dhankeennana waan ka baxnay hehsiiskaas”.

Wuxuu sheegay in xisbiga talada haya ay ka gaabiyeen wada shaqeynta la
xiriirtay in golaha wakiillada laga ansixiyo heshiiskaas.
“Kulmiye waxaannu ka weynay gacantii wadashaqeyneed ee uu heshiisku
qorayay, guddoomiyaheenna Cabdiraxmaan Cirro ayaa madaxweyne ku
xigeenka ugu tagay guriga, wuxuuna weydiiyay arrintaas,

illaa iyo haddana ma
aannaan ka helin wadashaqeyn”.

Xubnaha xisbiga Kulmiye ee ku jira baarlamaanka ayaa lagu dhaliilay inay hor
istaageen mooshinkii ay xisbiyada soo saxiixeen, inkastoo ay eedeyntaas ku
tilmaameen mid aan “sal iyo raad toona lahayn”.

Maxay eedeyntan ka dhaheen xisbiga talada haya?
Xildhibaan Cabdullaahi Xuseen Cige, oo ah guddoomiyaha guddi hoosaadka
arrimaha gudaha iyo nabad galyada ee Golaha Wakiillada,

kana tirsan xisbiga
xukunka haya ee Kulmiye ayaa wareysi uu BBC-da siiyay ku beeniyay
eedeynta uga timid dhinaca Mucaaradka.
“Waxaa la yiri ‘si xun u sheeg sixir ka daran’, illaa maanta ma jiro wax ay
saddexda xisbi ku heshiiyeen oo golaha la keenay, mooshinka golaha la
keenay wuxuu ahaa mid uu wato xisbiga waddani, xildhibaannada Waddani
xaq bay u leeyihiin inay mooshin keenaan, ka dib wuxuu maray sifihii sharciga
ahaa”.

Dhanka kale wuxuu sheegay inaan iyaga xisbi ahaan fursad loo siinin
wadashaqeynta ku saabsan diyaarinta Mooshinka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker