Madaxweyne Farmaajo Oo Tacsi U Diray Eheladda Dadkii Ku Wax-Yeeloobay Qaraxyadii Muqdisho Ka Dhacay

Waxaan tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii Soomaaliyeed ee shacab iyo ciidanba isugu jiray ee ay argagaxisida Al Shabaab ku laayeen qaraxyadii maanta.

Waxaan sidoo kale bahda saxaafadda la wadaagayaa tiiraanyada iyo tacsida geerida walaalkeen Cawil Daahir Salaad oo ahaa nin qiimo badan, waddani ah, wax badanna kasoo qeyb qaatay nabadeynta iyo dowlad dhisidda Soomaaliya.

Walaalayaal, kooxda maanta naga laysay dadkii indhaha u ahaa bulshada Soomaaliyeed maaha dad meel fog ka yimid balse waxay xambaarsanaayeen afkaaro qalloofan oo naloo soo dhoofiyay.

Waxaan ugu baaqayaa waalidiinta carruurtooda la khalday in ay laamaha amniga kala shaqeeyaan sidii wiilashooda iyo gabdhahooda looga soo saari lahaa kooxdan dad qalatada ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker