Shan qof oo Ku Lug Lahaa dilkii Jamal Khaashuqji oo Dil Lagu Xukumay

Shan qof oo Loo Aanaynayo Shirqoolkii Wariye Jamal Khaashuqji,  Ayaa Dil Lagu Xukumay ,hase yeeshee labadii qof ee ugu sarreeyey dadkii la Tuhunsanaa inay Fuliyeen dilkan ayaa dambi lagu waayey, waxaa sidaas Isniinta sheegay dacwad-oogaha guud ee Sacuudi Carabiya.

 

Khaashuqji, oo wax ku qori jiray wargeyska Washington Post, ayaa  la dilay bishii October ee 2018, ayada oo Riyadh ay dilkaas ku sheegtay howlgal ay fuliyeen “fallaago”.

 

59 jirkan, oo ahaa Nin wax badan ka og boqortooyada Sucuudiga balse markii dambe isu-rogay mid dhalleeceeya, ayaa  Markii dambe waxaa Qunsliyadda Sacuudiga ee Istanbul ku dhex-dilay 15 nin oo Sacuudiyaan ah, kuwaas oo kadibna jar-jaray meydkiisa, sida ay sheegeen saraakiisha Turkigu.

 

Illaa iyo hadda lama helin hadhaadiga jirkiisa.

 

“Waxaan ogaanay in dilka Khaashuqji uusan ahayn mid horey loo sii qorsheeyey” waxaa sidaas yidhi ku-Xigeenka dacwad-oogaha guud ee Sacuudiga, Shalaan al-Shalaan oo shir jaraa’id qabtay.

 

Dacwad-oogayaasha Sacuudiga waxay sheegeen in ku-Xigeenka madaxa Sirdoonka Ahmed al-Assiri uu maamulayey kooxda dilka fulisay, islamarkaana uu sidaas kula-taliyey la-taliyaha warbaahinta boqortooyada Saud al-Qahtani.

 

“Si kastaba, Qahtani ayaa baadhitaan lagu sameeyey balse dacwado laguma soo oogin sababo la xiriira caddeymo ku filan oo loo waayey. Sidoo kale, Assiri ayaa la baaray laguna soo oogay dacwado, balse dambiga lagu waayey, kadib markii isna caddeymo lagu waayey” waxaa sidaas lagu yiri bayaan kasoo baxay dacwad-oogaha.

Labadan nin ayaa ka mid ahaa dadka aadka ugu dhow dhaxal-sugaha boqortooyada Maxamed Bin Salmaan, waxaana shaqada laga eryey kadib dilka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker