Suuqa Bakaaraha oo gubtey

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dab saaka abbaarihii 7-dii subaxnimo ka kacay suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dabkan oo ka billowday qaybta bagaashka lagu iibiyo ee u dhexeysa Dahablaha iyo Khaliifa ayaa si dakhso leh ugu faafay isagoo dhul baaxad leh, halkaas oo ay ku hanti beeleen dad u badan ganacsatada dharka iyo kabaha iibiya.

Illa hadda lama shaacin sababta ka dambeysey dabkan oo ah kii labaad oo ka kaca suuqa ugu weyn dalka muddo bil gudaheed ah. Laakiin sida uu qabo Xasan Xoogsade oo ah Guddoomiyaha Guddiga Ganacsatda suuqa Bakaaraha, waxaa jira gaabis dhanka dowladda.

Guddoomiye Xoogsade oo BBC-du weydiisey sababta loogu fashilmay in laga hortago dababka ku soo noqnqda Suuqa Bakaaraha ayaa eedda dusha ka saaray Dowladda Hoose, gaar ahaan maamulka degmada suuqu ku yaal oo ka gaabiyey fulinta siyaasado wax ka taraya bedqabka suuqa.

Dabka saaka ka kacay Bakaaraha ayaa ku soo aaday xilli suuqa uu ka jiro mashquul ka dhashay dadweyne badan oo munaasibadda Ciidda darteed illaa habeenkii saqdhexe halkaas ka dukaameystaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker