FANKA MAANTA

ABWAAN ERAYADA KA DOON.
GOORAY DADKU WADA HURDAAN
DIYAARSOO LAXAN SAMEE.
DUBJIRKA LA WALAAL AHAW.
MIRQAANKU HALKUU DAGIYO
MEELAAN GABAL UBA DUMAYN.
DOOYAYSOO SOOBA JEED.
DURBAANKIYO MIINSIGANA.
NINKII TUMA DOOLAR SII.
AYAA CODKA DUUBAYIYO..
GAADHSII DADKU HAY MAQLAAN………
ADOO DAALKAA U MARAY.
DIINTEENU SIDAY QABTIYO.
ADOO DAMQASHADA LA NOOL.
BAL DAA DUUNYO AAD HESHEE.
CAYBAY LA DIYAARYIHIIN.
DA,ADIYO WAKHTI WUU SOCDAA.
ADOON DARAJABA HELAYN
DIRKII HORE UGU JIRAA.
DURUUSTA INOOGU FILAN.
DIIHAALKA KA MUUQDA IYO.
INTUU RABIGEEN DILEE.
DARXUMO LA XIJAABATIYO.
INTAA CUDUR UU DARDARAY.
DANTOODII KU SEEGAYEE.
DAWARO LOO GOOBAYEE
BULSHADU AY DAAYACDAA.
FANAAN DURUUS KUUGU FILAN.
ADOO SHAQO DOONAN KARA
DIMLOOMANA QAADAN KARA
WAKHTIGU WAA DEEQ ALEE
HADII AANAD DAYN KARAYN
FANKUUN HAW DABAR XIDHNAAN.
DORAATANA WAY TAGTEE
BARITO U DIYAAR AHAW..
DARDAARANKAN AAN WADANA.
QOFKII IGU DIIDAYOOW.
DIBAAD KA OGAAN WAXAAN.
ANIGU DEELKAN KUUGU DHIGAY…

home
Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker