Mareykanka “dul duleello ayaa ka muuqda awooddii Putin”

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ka hadlay xaaladda dalka Ruushka.

Blinken ayaa sheegay in kacdoonka mudada gaaban ee ka imaanaya calooshood u shaqeystayaasha Wagner ay muujineyso “jab dhab ah” oo ka jira maamulka Putin, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee AFP.

Kacdoonkii kooxda calooshood u shaqeystayaasha gaarka loo leeyahay ee Wagner iyo hogaamiyahooda Yevgeny Prigozhin dhamaadkii toddobaadka wuxuu ahaa “caqabad toos ah oo ku wajahan awoodda Putin,” ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken.

“Marka tani waxay dhalinaysaa su’aalo qoto dheer, waxay muujinaysaa dildilaacyo dhab ah,” Blinken ayaa u sheegay CBS News talk show Face the Nation.

Kremlin-ka ayaa horay u sheegtay in aan wax dacwad ah lagu soo oogi doonin ciidamada Wagner ee shalay gadooday, in kasta oo ay horay ugu eedeysay gabood fallo hubeysan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker