DARAAWIISH: Ma 4 Sanno Mise 21 ?

Daraawiishi, kooxahaan waxay u jirtay 21 sanno laakiin dagaalkii ay kula jirtay Ingriisku wuxuu socday 4 tii sanno ee ugu horeeyey oo kaliya. Dhaamman ba dagaaladii u dhaxeeyey labbada dhinaca waxay dhaceen muddadii u dhaxaysey (1901—1904 tii ) waana kuwan: Afbakayle 03/05/190; Fardhiddin 16/07/1901; Beerdhiga 10 / 08 / 1902; Cagaar-weyne 17/ 04 /1903; Daratoole 18/04/1903 Iyo Jidbaalle 10/01/1904. Hishiis seddex geesood ahaa, oo ka dhacay ILIG 24 March 1905 tii ayey Daraawiish iyo Ingriisku ku hishiiyeen. Hishiis kaas waxaa Daraawiish u saxeexay rag ay ka mid ahaayeen: C/laahi Shixir iyo Diiriye Caraale. Sidda uu Angus Hamilton, buuggiisa ‘The British Somaliland’ ku diwaan galiyey; waxaa Ingriiska kaga dhintay dagaaladaas 19 askari
oo British ah. Marxaladdaa hore, Daraawiishtu waxay ahyd xarako lagu hoggaamiyo tallo wadaaga ah; raggii hoggaankeedii ugu mudnaa waxa ka mid ahaa Suldaan Nuur Axmed Amaan oo ahaa Suldaankii beesha Habar Yoonis.
Ka dib hishiiskii ILIG, markii Daraawiishu u guurtay Eyl iyo Talleex, taladii waxay ku soo ururutay gacanta Maxamed Cabdile Xasan. Waxaa xusid muddan in mudadaas ( 1901—1904 ) ee Daraawiishi gashay dagaaladii ugu adkaa; in aanu MCX tirinin wax gabay ah!. 120 gabay ee Aw Jamac C Ciise ku diwaan galiyey buuggiisa, mid kaliya oo 7 tuduc ka kooban ayuu Ina Cabdile Xasan tiriyey 1905tii; halkaas dad badan ayaa su’aal iska waydiiya; sababta aanu Ina Cabdile Xasan u gabyin wakhtigii ugu muhiimsanaa taariikhda Darawiish.17 kii sanno ee dambe waxay Daraawiishi dagaal ba’an kula jirtay qabiilka soomaliyeed gaarahaan beelaha Hartiga ee Majeerteen iyo Warsangani oo ay kala hoggaaminayeen Boqor Cismaan Boqor Maxamuud iyo Suldaan Maxamuud Garaad Cali Shire, sidoo kale beesha Maxamed Subeer (Ogaadeen) iyo Isaaq ayaa collaad weyni u dhaxaysay Ina Cabdile Xasan.
Dhulbahante, marna si guud isuugumay dhicin Daraawiish, sida beellaas kor ku xusan oo kale laakiin marba raas ayey si gooniya isu jiidhi jireen darawiishta, tusaale ahaan; wakhtiyadii dilkii Garaad Cali Garaad Maxamuud dhacay;
MCX ku faanay ” wallee Nugaal laba Baarqab ka ma wada taliso”, raaska Bahrarsame iyo Daraawiishtu wey colloobeen. Sidda oo kale ( Kala-jabkii Canjeelo ) ee 1909kii markii ay warqadii muranka badan dhalisay ka timi Sheekh Maxamed Saalax ( Sheekhii dariiqada Saalixiyada/Axmeddiyada ) ee ay Daraawiishi taabacsaneyd, waxaa dagaal dhexmaray labadii garabka ee hoggaanka isku hayey. Garab waxaa hoggaaminaayey Faarax Maxamuud Sugulle (Faarax Dacay ) oo Bahrarsame ahaa Iyo C/laahi Shixir (HJ, Aadan Madoobe) dhinac kalna waxaa hoggaaminayey Maxamed Cabdile Xasan iyo Xaaji Suudi ( HJ, Aadan Madoobe).
Faarax Dacay, wuxuu damcay innuu taladka ka tuuro MCX oo uu isagu la wareego hoggaanka darawiishta, isagoo ku andacoonaya in Sheekh Maxamed Saalax, dariiqadii Saalaxiyada ka saaray Ina Cabdile Xasan. Dabcan, Faarax Dacay, awooda koobaad ee ku tashanaayey waxay ahyd garab istaagga tolkii, aakhirkii Faarax waxaa meel dagan ka helay kaligii, oo dilay koox dabayl ah, oo uu watay F. M. Caamir Xasan, oo uu adeer u ahaa MCX. Markii uu geeridiisa maqalay, isagoo ku diganaaya waa kii lahaa MCX: Dacayow daallinkiiyow, dacayow daadufkiiyow. Markalna waa kii lahaa: Saro nama dhex ool, Faaraxii seerigii xulaye / Sucdi haddii uu leeyahay, kufrigu uma sujuudeene. Mar seddexaadna wuxuu MCX yidhi: Hadday seeddinnimo door ahayd, Dacay nijaaseeye. Barni Maxamuud Sugulle ayaa u dhaxday, oo xidid ayey Faarax Dacay ahaayeen.
Jaamac Siyaadku, waxay marar badan ku tirsanaayeen reerahii ka horjeeday xarakadii daraawiishta. Dagaalkii Jidbaalle ee dhacay 10/01/1904, Jaamac Siyaad na qayba laxaad leh ku lahaa, markii daraawiish la jabiyey, waa kii Kaarshe Maxamed Niiqle ( Kaarshe Salliiiq) oo ahaa hoggaamiye dagaal iyo afhahayeenkii beesha isagoo ku digaanaya darawiishta waa kii lahaa: Daraawiishta qooqani markay, nagu qamaamaysay/ Ma u qarinnay maadhiin qacliyo, qabar aan loo sheegin / Ma u qubatay sida roob guyoo, yare qayoodaaya / Qudha kalama maarmine, dagaal qira leh mow keenay?. MCX na waa kii kaga jawaabayey gabay uu tudaca u dambeeya ahaa: Ha qoomamayn abid waxaad, qiratay waa hooge!. Kaarshe waxay walaalo ahaayeen Xirsi Gardaro, oo ahaa Abbaandulahii beesha. Dhowr jeer oo kale ayey is gacan sareen dabayl labada dhinac ahi. Maalin ay daraawiishta oo aar-doon ahi weerartay beeshan, se la iska caabiyey, waa kii Maxmed Cabdille Xasan oo canaanaaya raggiisii lahaa:
– Xirsigii candhada dheer lahaa, caaqa inankiisa
– Ee cuurarkeenni qirtee, ciiska weyn geliyey
– Cidla aniga oo shalay ka helay, ma anan
  caynsheene
– Caqlilaawayaaalow tolnimo, kuma ciseeyeene
– Caarkiyo xiniinyaha magliga, kalama
  ceeseenee
– Hilibkiisa waa cuni lahaa, caadaqaataha e
Ugaadhyahan; markii uu shirqool isku-day-dil ah ka badbaadey Garaadkii Ugaadhyahan; Garaad Maxamuud, oo qaar ka mid ah qoyskiisiina ku baxeen gacanta daraawiish. Garaad Maxamuud, wuxuu ahaa garaadkii labaad ee beellaha dhulbahante duubtaan. Garaadku wuxuu u guuray cidhifkii galbeed ee Nugaal oo aanay daraawiishtu soo gaadhi karayn. Dabcan marhaddii aanu caafimaad dhex oollin Garaadkii beesha iyo daraawiish; weyna garankarnaa in aanu xidhiidhkoodu aad u fiicnayn, xataa markii darawiishtu soo degtay Talleex waxaa jirray nin la odhan jirray Nuur Jaamac Maxamad (Dhalbaas) oo abaabulay koox hubaysan, fadhiisana ka dhigtay dooxada Nugaal, halkaas dhowr jeer dagaalo ku dhex mareen ciidamadii daraawiisheed.
Dhinaca Buuhoodle, raaska reer Hagar waxay ka mid ahaayeen beellahii 21 sanno ba dagaalka kula jirray darawiish, iyagoo dhinac saaray Ingriiska oo marar badan hubeeyey si ay iskaga caabiyeen weerarada daraawiishta kaga imanaaya. Waxaa la sheegtaa in is maan-dhaafkoodu ka dhashay, ka dab markii reer Hagar diideen inay bixiyaan xoolaha ay daraawiishtu ka qaadi jirtay dadka deegaanka deggan. Waana mid ka ah sababahii ay ugu guureen dhulka ceelasha leh sida Caynaba, una guureen dhulka Hawdka ah ee aanay Fardaha daraawiishtu ku soo weerar-taggaysaa ka soo gaadhi karin. Colaadda, cadhada & ciilka gadhoodhay ee MCX u hayey waxaa laga garan karaa gabayo badan ee magacoodka ku soo qaaday, isagoo mar caayay, mar ka cabanaaya, marna u hanjabaaya. Allaaba MCX wuxuu si gaar ah gabayga ugu soo qaadan jirray, si la mid ah beellaha waaweyn oo kale, seddexda raas ee kala ah; Bah-dir ( Cismaan Maxamuud) oo uu ka soo jeeday Boqor Cisaam Boqor Maxamuud oo dagaallo adag darawiish la galay, reer Dalal ( reer Cabdile ) oo ay ka soo jeedeen Gurraase iyo Il-jeex oo ahaa raggii maleegay shirqoolkii Gurdumi iyo reer Hagar oo guddoonsaday collaadda daraawiish. Aan mid hal tuduc ka soo qaato 5 jeer oo uu ina Cabdile Xasan u gabayey reer Hagar, isagoo
ku sheegaya: Gaalo, Murtidiin, Ey iyo iwm.
1.Galaayuubta Hagar-Aaden baan, gaaddadow marine
– Gembi waw ridi fulayadii, ganafka dheeraaye
2. Mid yar waxaad tiraahdaan, Murtadiinta reer HAGAR.
3.Reer HAGAR gardarrana maxaa, godobta raacsiiyey
–  Giddigood maxaa hadal gashi leh, goonni kaga yeelay
4. Oo aanan irbaha dheer ka jarin, Eyda reer HAGAR
5. Wareegada inaan qalahayoo, weerar aha weeye
–  Winifiirle reer HAGAR inaan, wagac ku siin weeye
17kii sanno ee daraawiish iyo qabiilka Soomaliyeed lagdamayeen, waxay kaliya Ingriiska iyo daraawiish dhexmaray laba gaado oo si shil ah u dhacay ( 1913 Dulmadoobe iyo 1914 Shimbibiris ) laba askari oo midkood sarkaal ahaa ayaa Ingriiska kaga dhintay. Ka dib labadaa gaado, Ingriisku wuxuu u fahmay in Daraawiish ka baxday hishiiskii ay wadda galleen dabadeed wuxuu ku qaaday weerarkii duqayntii Taleex 01.1919Kii, oo ahaa kii Daraawiish soo gabagabeeyey. Wallow uu MCX soo qoray waraaqo badan oo uu ku dalbanayo in hishiiskii ILIG sii jirro, haddana Ingriisku ma garaysan soo jeedinta MCX, waanu weeraray.
Qoraa Douglas Jardine oo sawiray sidii ay maalintaas wax u dhaceen, wuxuu bogga 274 ee buggiisii The Mad-Mullah Of Somaliland ku qoray Sidan. ” During the fight many notorious Dervishes had been killed, including Haji Sudi, the ex-naval interpreter, and Ibrahim Boghol, the commander of the Mullah’s forces in the northern area. The captures com- prised many of the Mullah’s personal belongings, his correspondence, his clothing and jewellery and, in addition, 1,400 camels, 450 cows, 50 ponies, 51 rifles, 2,000 rounds of ammunition, and 300 camel loads of supplies. The Camel Corps had joined Gibb on the road to Gaolo which they reached together on the evening of the 8th February. On the following morning the Mullah’s second son Abdurrahman Jahid, a feckless youth, and his uncle, Haji Osman, who had deserted the haroun overnight were brought into the Camel Corps zariba.”
Markale Douglas Jardine wuxuu yidhi: ” sixty of the Mullah’s personal following, including seven of his sons, seven other close rela- tives and four of his kasoosi, or immediate advisers and leaders, had been killed ; and six of his sons, his five wives, four daughters and two sisters had been captured. Only his eldest son Mahdi, a brother, and a few notorious Dervishes made good their escape.” Page 278.
Ka dib jabkii duqayntii Talleex ka soo gaadhay daraawiish, waxay u qaxeen Qoraxay. Cali Dhuux oo ku diganayaa waa kii lahaa: Waa lagu digtaa ruux hadduu kuu darnaan jirayee / Bal dayaay Wadaadkii waa kaa sii dabayshadee”. Salaan Carabay, oo aad  ugu damqaday dhibaatada daraawiish gaadhay isna waxuu yidhi: Haddii aqalka daahyadu go’o daakhilkaa xigi.
1920 kii ayaa Ciidan beelleed ka kooban beellaha dega gobalka Togdheer; Dhulbahante HJ iyo HY,  oo uu hoggaaminaayo Xaaji Waraabe kana mid ahaayeen gabyaa Cali Dhuux iyo Gamuute ay weerer ku eekayey Qoraxay oo ay Daraawiish u qaxday, waxayna ka soo fara maroojiyeen  geellii caanka ahaa ee la magac baxay HAGOOGANE. Magacu wuxuu ugu baxay; Kii geella qaadayna kibir buu la hagoogtey kii geella laga qaadeyna ciil buu la hagoogtey. Gabayaa Gamuute oo u gabyaaye hashuu gabayga ku hellay wuxuu yidhi:
– Gaanniga Waraabe iyo hashaan guuriska u soocnay
– Raggii wada gammuurraa hashuu golongolee dhuubtay
– Gaadiidka xoogga leh hashii garabku
  iimoobey
– Gurguurtaaga awrka ah hashii Galawga loo taabtay
– Gahaydhkii Dannood iyo hashaan gudurigaw ruugey
– Gaaliyo hashaan ula col baxay gaasamo is raacay
– Wixii gacal cid ii xigey hashaan goonni uga duuley
– Nin xigaaladii gaanji tahy geel ma saanyado’e
– Solamadow hashaan ula gedbaxay Gulufki reer reer Daahir
– Guutada faraa badan hashii goob isugu
   keentay
– Galaayuuska subaxdii hashuu Galawgu
   dhiillaabay
– Feedhaha hashaan uga guntaday gocor ma yeeleene
– Gurraati iyo haddaan Hara-Digeed Gocay horuu dhaafshey
– Geyigiiba waxa iiga hadhay galab
   carrawtiine
– Anigoo gacmaa laabtayoo gibil madow
  yeeshay
– Mar haddii raggaa ila ged ihi geeyo halihiisa
– Gadhcaddihii awoowgay ahaa way
  garnaqayaaye
– Markaan gurigi geeyana Libaax geesta haw rido e
– Guullow Allahayoow hashaa galabta hay seejin.
Alle haw naxariistee, wuxuu Maxamed Cabdile Xasan geeriyooday 21/12/1920kii. Waxaa la sheegaa in cudurka duumada ( kaneeco ) uu sababsaday; markale waxaa la sheegaa in u geeriyooday nabaro ka soo gaadhay maalintii colkii Hagoogani, qoraxay ku galay. ” Iga  gawrac geenyada, maandhow ragbaa ruuxu gigayaaye” ayaa mujaahidka ( AHN) war ugu dambeeyey. Saaxiibkii Xuseen Dhiqle na
wuxuu haddal kaga baxay:
– labadii qof igu hadhay, qaafihii dumar
– Tii qurux u rooneyd, hadday Cali la qooqayso
– Tana qaata, Naadaba ragay qaac u shidataaye.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker