Madaxwaynaha Maamulka Galmudug oo Magacaabay Guddi Qaban-qaabada Doorashooyinka Deegaanka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kariye Qoorqoor ayaa wareegto ku Magacaabay Guddiga Qaban qaabada Doorashada Golaha Deegaanka Ee Degmada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

 

Wareegto kasoo baxdey Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu Magacaabey Guddiga oo ka kooban 13 XUbnood,kuwaas oo laga sugayo inay muddo 90 Cisho Gudahood ah kusoo dhisaan Golaha deegaanka degmada Gaalkacyo.

 

Sidoo kale wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha Guddiga ay ka reeban yihiin inay isku soo sharaxaan kamid ahaanshaah Golaha deegaanka,isla markaana Shaqadooda kaliya ay ku ekaadaan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker