Guddoomiyaha Baanka Dhexe Oo Xadhiga Ka Jaray Dhismayaal Lagu Daray Laanta Boorama ee Bangigaas

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland  Cali Ibraahin Jaamac (Baqdaadi)  ayaa xadhiga ka jaray dhismayaal cusub oo lagu kordhiyey Laanta Boorama ee Bangiga dhexe.

 

Waxaana ka qayb galay maamulka gobolka, ka degmada, ganacsato iyo marti sharaf kale, ugu horeyn waxaa halkaas ka hashay maamulaha laanta bangiga dhexe ee Boorama Sacaada Sheekh Cabdilaahi, oo ka warbixisay maraaxilkii kala duwanaa ee ay laanta baanka dhexe ee Boorama soo martay, iyada oo u mahadcelisay guddoomiayaha bangiga dhexe ee Somaliland oo ay tilmaantay inuu si deg-deg ah uga soo jawaabay markii ay u gudbisay baahiyaha ka jiray xaruntaas.

Waxa kale, oo iyana halkaas ka hadlay maayarka degmada Boorama Saleebaan Xasan Xaddi iyo guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) oo ka mahadceliyey dhismayaashaas lagu daray laanta bangiga Boorama, iyaga oo bogaadiyey masuuliyiinta bangiga dhexe ee Somaliland oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha baanka dhexe.

 

Sidoo kale, waxa xadhig ka jarkaas ka hadlay guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahin Jaamac (Baqdaadi) oo sheegay muhiimadda ay dhismayaashaasi u leeyihiin adeegayda uu bangigu u qabto bulshada Boorama, isaga oo ganacsatada iyo bulshada kale ee Boorama u soo jeediyey in ay isticmaalaan adeegayada bangiga dhexe ee Somaliland uu bixiyo, wuxuuna bogaadiyey isbedelka ka muuqda xarunta baanka dhexe ee Boorama.

Gabogabadii waxaa halkaas shahaado sharafyo lagu gudoon siiyey guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland iyo agaasime waaxeedyada waaxda horumrinta iyo waaxda farsamada ee baanka dhexe ee Somaliland.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker