Kiiskii ka Dhexeeyay Hay,adda NISA iyo Suxufi Haaruun Macruuf oo Cirka Isku Shareeray

Muqdisho (OWN) – Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliay ee NISA ayaa caawa shaacisay inay xafiiska xeer-ilaalinta qaranka u gudbisay natiijada baaris ay sheegtay inay ku sameysay weriye Haaruun Macruuf, oo ka tirsan VOA.

 

 

Qoraal kooban oo NISA ay soo dhigtay barta twitter-ka ayey ku tiri “NISA waxay u gudbisay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, gungaarka baarista gal-dacwadeedka Haruun Macruuf,  si uu uga guto talaabooyinka sharciga ah ee ku habboon,”

 

NISA@HSNQ_NISA

NISA waxay u gudbisay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, gungaarka baarista Gal dacwadeedka Haruun Macruuf, si uu uga guto talaabooyinka sharciga ah ee ku habboon.

Qoraalka NISA laguma bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer.

 

Qoraalkan ayaa yimid 20 maalmood kadib markii qoraal kale oo NISA ay soo saartay 3-dii April ay ku sheegtay inay “tallaabada ku habboon ee sharciga ah ka qaadeyso” weriye Haaruun Macruuf.

 

 

Qoraalkaas ayey NISA ku sheegtay in Haaruun Macruuf uu “leeyahay xiriiro khatar ku ah amniga qaranka, kuna kacay falal ka baxsan anshaxa warbaahinta.”

Weriye Haaruun Macruuf iyo idaacadda VOA illaa iyo hadda kama jawaabin qoraalkii hore ee NISA, hase yeeshee waxaa qoraalkaas cambaareysay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

 

 

 

Qoraal ay safaaradda soo saartay 5-tii April ayey ku tiri “Haaruun Macruuf waa weriye la ixtiraamo oo xirfadle ah oo ka howl-gala VOA, waana mid ka mid ah suxufiyiinta ugu saameynta badan Soomaalida. Weerarada NISA waxay halis gelinayaan xoriyadda hadalka iyo madax-banaanida warbaahinta ee aas-aaska u ah dimqoraadiyadda iyo isla xisaabtanka dowladeed ee Soomaaliya.”

 

 

 

Idaacadda VOA ee uu ka shaqeeya Haaruun Macruuf ayaa hoos-tagta wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka, si la mid ah safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo iyana hoos-tagta wasaaradda.

 

 

Haaruun Macruuf ayaa waxa uu caan ku yahay in inta badan uu ka warramo arrimaha amniga, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab iyo weerada ay fuliso, isaga oo qoray buug si gaar ah uga hadlaya Al-Shabaab.

 

 

Waxa uu sidoo kale leeyahay barnaamij sameeya baaritaanada oo lagu magacaabo “Galka Baarista”, kaasi oo marar badan baahiyey, banaankana soo dhigay xogo ka qarsoon shacabka, oo qaarkood ku saabsan musuq-maasuq ka dhex jira hay’adaha dowladda iyo gaabsi dhanka ah amniga ah oo ka muuqda hay’adaha amniga dowladda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker