Somaliland waa in loo aqoonsadaa dal madax bannaan.

Warbaahinta (the hill) oo fadhigeedu yahay magaalada Washington ee dalka Maraykanka ayaa talo ugu soo jieedisay dawladda Maraykanka inay aqoonsiga Somaliland muhiimad siiso. Warbixinta waxa lagu yidhi; Dadka reer Somaliland dhalashso ahaan waxa ay ka duwan yihiin dadka Soomaaliya deggan .

Inkasta oo dunida aanay wali aqoonsi ka helin, haddana waxa ay 30kii sano ee u danbeeyay samaysteen dawladnimo iyo dal Dimuqraaddi ah, iyada oo doorashooyin madaxweyne la qabtay sannadihii 2003, 2010, iyo 2017kii haddana bisha November ee soo socota loo ballansan yahay in loo dareero goobaha codbixinta. Goobjoogayaashii caalamiga ahaa ee sannadkii 2017 waxa ay xuseen in guusha ay Somaliland ka gaadhay taabbo galinta nidaam siyaasadeed oo hufan oo ka kooban hab-dhaqameedkii bulshada iyo hannaanka doorashada ee qof iyo cod uu ahaa mid adduunyadu aad ula tacajabtay.

Ururka Freedom House oo qiimayn ku sameeya xaddiga ay leegtahay xorriyadda ay qaramadu ku naalloodaan dhinac walba ayaa sannadkii hore Somaliland ka gashay baa lagu yidhi warbxintan kaalinta 44 , halka Somalia ay ka gashay kaalinta ugu danbaysa oo macneheedu yahay in aanay wax xorriyad ah haysan.

Sannadkii 2021, Somaliland waxa ay xadhigga ka jartay ballaadhin lagu sameeyay dekedda Magaalada Berbera oo ay gacanta ku hayso Shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee DP World. Geesta kale bishii March ee sannadkii hore dawladdu waxa ay samaysay aagga cashuuraha ka caaggan, si loo dhiirri galiyo maal galinta ganacsiga. Dhinaca waxbarashada iyo cilmi-baadhista,
Jaamacadda Hargeysa waxa ay xidhiidho la samayatay Jaamacdaha Harvard, Universtiy College London iyo King’s College London.

Dhinaca Taariikhda, Somaliland iyo Somalia waligood waxa ay kala ahaayeen laba dal, waxa ay isku dawladnimada isku darsadeen markii ay labaduba ka xoroobeen gumaystayaashii Ingiriiska Iyo Talyaaniga. Somaliland laga soo bilaabo sannadkii 1884kii waxa ay ahayd maxmiyad Ingiriis, halka Somalia ahayd loo yaqaannay Italian Somalia illaa 1908.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in muhiimadda Somaliland ay u leedahay gobolka la dareemay kadib weerarrada ay ururka Xuutiyiintu ka bilaabeen marinka badda cas oo Somaliland ka saran tahay dhanka koonfureed

Sidaa daraadded ayaa lagu yidhi qoraalkan, marka intaa soo dhan la eego madaxweyne Bide oo sannad wax ka yari u hadhay waa inuu qaataa go’aan is-bedel oo aqoonsadaa Somaliland, waayo baa la yidhi Somaliland waxa ay samaysay horumar siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo la yaab leh soddonkii sano ee ugu danbeeyay iyada oo aan haysan qarannimo la aqoonsan yahay oo ka faa’idaysta kaalmooyinka caalamka , wakhtigan la taagan yahayna waxa ay u qalantaa in gacan la siiyo.
Maqaalka waxa qoray Elito Wilson.

Eliot Wilson waa qoraa madax bannaan oo wax ka qora siyaasadda iyo arrimaha caalamiga ah. Waxa uu hore u ahaa sarkaal sare oo ka tirsan aqalka hoose ee boqortooyada Ingiriiska sannadihii 2005 illaa 2016.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker