Munaasibadda Naqshadaynta Ceerigaabo Oo Saxaafadda Laga horjoogsadey

Munaasibad looqabtay in bulshada loogusoo bandhigo qorshaha, sida iyo goorta uu bilaabmayo barnaamijka naqshadaynta magaalada Ceerigaabo ayaa waxa laga horjoogsadey in saxaafaddu gudaha ugasho munaasibaddan. “Aniga waxa amar laygu siiyey inaydaan gudaha soogelin”. Sidaas waxa yidhi mid kamid ah ilaalada wasiirka hawlaha guud ee Somaliland oo lahadlayey qaar kamid ah saxaafadda madaxa bannaan oo doonayey inay duubtaan wararka goobtaas laysugu timid, kaddibna weriyayaashaasi sababtaas awgeed ayay halkaas ka huleeleen.

 

Dhinaca kalena waxa music mudan inaanay madashan si mug leh ugasoo qaybgelin madax-dhaqameedka iyo ganacsatada reer Ceerigaabo .

 

Oodweynenews-na.com.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker