Laacibka Angel di Maria oo ka Xanaaqay Liiska Ciyaartoyda U Safanaya Koobka Adduunka oo Laga Reebay

Xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Angel di Maria ayaa furka ku tuuray tababaraha xulka qaranka Argentina oo ka reebay liiska ciyaartoyda dalkaas ee ciyaari doona kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka.

 

Tababare Lionel Scaloni ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda xulka qaranka ee la ciyaari doona dalalka Ecuador iyo Bolivia horraanta bisha foodda inagu soo haysa.

 

 

32 jirkan ayaa dhaliyey 12 gool iyo 23 kale oo uu caawiye ka noqday, waxaanu ka mid yahay xiddigaha ugu muhiimsan ee tababare Thomas Tuchel uu haysto.

Di Maria oo la hadlay Closs Continental ayaa ydihi: “Ma helayo ereyo aan u ku sharraxo. Xulka qaranka Argentina waa waxa iigu muhiimsan aniga. Haddii aan ka shaqeeyey inaan dabadayda qarsado anigoo jooga PSG, waxay ahayd inaan fursad ka helo xulka qaranka oo aan awoodo inaan tartamo. Aad ayay u adag tahay inaan fahmo in aniga oo waqti wanaagsan ku jira la ii yeedhi waayo.”

 

 

Tababare Scaloni ayuu ku tilmaamay mid aan isaga u baahnayn, sababtuna uu ugu yeedhi waayayna ay caddayn u tahay, waxaanu yidhi: “Haddii aan la ii yeedhin, sababtu waa in aanay ii baahnayn. Waxa aan sii wadi doonaa inaan u dagaallamo sidii aan uga mid noqon lahaa xulka qaranka Argentina.”

 

 

Laacibkan ayaa waxa kale oo uu isweydiiyey haddii da’diisa oo 32 jir ahi ay saamayn ku yeelatay booskiisa xulka, waxaanu yidhi: “Miyaan ahay 32 jir? Dad badan ayaa igu yidhaahda waad gabowday, laakiin waxaan ahay 32 jir, waxaanan u ordayaa isla sidii uun, ciyaar kastana waxa aan muujiyaa in aanan gaboobin ee aan la heer ahay Neymar iyo Kylian Mbappe.”

 

 

 

Lionel Messi, Lautaro Martinez iyo Paulo Dybala ayaa uu tababaruhu u yeedhay, laakiin waxa liiska laga dhex waayey Angel di Maria oo wacdaro ka dhigay horyaalka Ligue 1 iyo tartanka Champions League oo uu ahaa xiddigii shiday garoomada ee illaa finalkii lasoo gaadhay naadigiisa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker