Pele oo mar kale isbitaal la dhigay

Halyeeyga kubadda cagta Brazil Pele ayaa mar kale isbitaal la dhigay, si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo buro dhinaca mindhicirka uga soo baxday sanadkii hore, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxday dhaqaatiirtiisa.

Pele oo 82 jir ah, magaciisa dhabta ahna uu yahay Edson Arantes do Nascimento ayaa la dhigay isbitaalka Sao Paulo.

“Waxaa la geeyay qol caadi ah, wuxuna ku jiraa xaalad deggan” ayaa lagu yiri bayaanka dhaqaatiirta.

Kely Nascimento oo ah gabar uu dhalay Pele ayaa u sheegtay taageerayaashiisa inaysan jirin “xaalad degdeg ah”. “Ma jirto xaalad deg-deg ah ama saadaal xun oo cusub…Waan ka mahadcelineynaa welwelka iyo jacaylka,” ayay ku soo qortay Instagram-ka.

Flavia Nascimento oo ah gabar kale oo uu dhalay Pele ayaa beenisay warar kale oo sheegayay in xaaladdiisa caafimaad ay kasii dareyso.

Pele ayaa toddobaadkii hore ciyaartooyda xulka Brazil ku dhiirragaliyay inay ku guuleystaan Koobka Adduunka, isagoo u sheegay inuu jeclyahay in koobka loogu keeno gurigiisa.

Pele waa ciyaaryahanka kaliya ee taariikhda ku guuleystay seddex koob adduun (1958, 1962 iyo 1970), wuxuu lahaa mid ka mid ah xirfadihii ugu caansanaa ee isboortiga, isagoo dhaliyay in ka badan 1,000 gool kahor inta uusan ciyaaraha ka fariisan 1977.

 

AFP.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker