Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo sheegay inuu la wareegay xilkii madaxtinimada Puntland

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka ee Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa lagu sheeegay in madaxweyne ku xigeenku uu si ku meel gaadh ah ula wareegay xilkii madaxweynaha ee Puntland, xilli Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho halkaas oo uu ka wado olole la xidhiidha musharaxnimadiisa kursiga madaxweynaha ee Soomaaliya.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA UU SOO SAARAY AXMED KARAASH

BAYAAMIN IYO WARGALIN.

Ramadaan Kariim Bulsho waynta Reer Puntland, Eebe haynaga aqbalo acmaasha wanaagsan ee bishan barakaysan.

Anigoo garowsan ahmiyadda ay leedahay u hoggaansamidda Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland.

Anigoo garowsan masuuliyadda, xilka iyo waajibaadka baaxadda leh ee Madaxweyne Kuxigeenka.

Anigoo dareensan culayska ay xanbaarsantahay dhaarta Dastuuriga ah ee ku cad Qodobka 132-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Anigoo garowsan in hawl socodsiinta iyo dardargelinta shaqada hortaal Hay’adaha Dawladda ay tahay masuuliyadda aan u dhaartay.

Anigoo ka duulaya isla markaasna fulinaya awaamiirta ku qeexan qodobada Dastuurka Dawladda Puntland ee kala ah:

Qodobka 2-aad, farqaddiisa 1-aad iyo 2-aad. Qodobka 3-aad, farqaddiisa 2-aad iyo
Qodobka 81-aad, Farqaddiisa 1-aad oo u dhigan sidan.

Qodobka 2aad (SARRAYNTA SHARCIGA)

Farqadda 1aad: Sharciga ayaa ka sarreeya qof kasta.

Farqadda 2-aad: Dhammaan hay’adaha Dawladda iyo dadweynuhuba waxay u hoggaansamayaan sharciga.

QODOBKA 3-aad. Farqaddiisa 2-aad oo u dhigan sidan. “Ma jiri karo qof, koox ama qayb ka mid ah bulshada oo awoodda dawladnimo u adeegsan karta si gaar ahaaneed”

Qodobka 81-aad. “Farqaddiisa 1-aad oo u dhigan sidan;

“ Madaxweyne Ku-Xigeenku wuxuu qabtaa xilalka Madaxweynaha marka uu dalka ka maqan yahay, ama uusan si ku meelgaar ah xilkiisa u gudan Karin”

Hadaba, waxaan u cadaynayaa shacab-waynaha reer Puntland in Dalku uusan geli karin firaaq dastuuri ah, xiligan adag oo shacabku la daalaa-dhacayaan abaar baahsan, dhaqaalo xumo iyo shaqo la’aanta haysata dhallinyarada reer Puntland.

Ugu danbayntii, mar haddii Madaxweynuhu uusan si ku meel-gaar ah u gudan karin waajibaadkiisa Dastuuriga ah sida ku cad qodobka 81-aad ee Dastuurka Puntland, farqadiisa 1-aad dhammaan masuuliyadaha iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa waxay si ku meel gaar ah ugu wareegayaan una gudanaaya anigoo ah Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland si waafaqsan Dastuurka, Shuruucda iyo Qawaaniinta kale ee u degsan Puntland.

Waxaan farayaa dhammaan Hay’adaha Dawladda in ay u hogaansamaan ilaalinta, dhawrista Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland.

=DHAMMAAD=

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker