Reysal wasaare cusub muxuu kusoo kordhin karaa siyaasadda Soomaaliya?
Intii lagu gudo jirey sebanka burburka soomaalidu waxa ay wajaheen dhibaatooyin badan oo mid maaddi iyo diiniba leh. Ku tumashada sharciga, xeerar diinteenna lid ku ah isla markaana dhaqankeenna suubban ee soo jireenka ah ka soo horjeeda oo la isku dayey in la ansixiyo iyo musuqmaasuqa oo dadkeenna ragaadiyey ayaa ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee hortaagan dawladnimadeenna. Intaas marka laga yimaaddo waxa habboon in qofka soomaaliga ahi ogaado in diinta, dhaqanka iyo sharaftu ay ka dhaxatso dhammaan qoomiyadda soomaaliyeed oo si guud loo wada ilaashado xattaa haddii maamullo kala duwan la yeesho. Dadyawga faraca ku kala duwani waa in ay ilaashadaan asalka ay ka mideysan yihiin. Halkaa haddii aynu kaga nimaadno hordhacaas yar waxa xaley loo doortey dawladda federaalka soomaaliya reysal wasaare cusub. Haddaba muxuu soo kordhinayaa xilkaas cusub ee la magacaabey?
In aad taariikhdii dadyawgii hore akhridaa waa waayo aragnimo isla markaana xigmad ayaa laga dheefaa, xigmaddaas oo lagu maareeyo joogtada cusub. Tusaale Ahaan: qof kaa horreeyay caqabad uu la kulmay oo uu inbadan la daalaa dhacayey kaddibna uu ogaadey amase gartey xalkii oo uu qoraallo ka sameeyay, marka aad akhrido qoraalkaas adigu si fudud baad uga gudbi kartaa haddii ay ku qabsato isla dhibtii uu isagu mudada la raffaadayey.
Haddaba weligeed taariikhda laguma sheegin dawlad uu waddankeeda shisheeye joogo oo islaaxdey! Cusuurta dhaw iyo casrigan la joogaba waxa aad uga helaysaa tusaaleyaal, bal aynu soo qabanno waddamada Ciraaq iyo Afgaanistaan, waxa jooga waddanka ugu awood badan dunida oo weliba muddo badan joogey laakiin nabad ay ka sameeyeenna ma jirto horumar ay ka gaadheenna haba sheegin. Taariikhihii hore waxa la sheegaa in talyaanigu u kala qaybsamey gobollo yaryar, taasi waxa ay keentay in boqor kastaa uu soo kaxeysto ciidan shisheeye. Haddaba shisheeyuhu marka ay la joogaan xulafadooda waxa ay muujiyaan geesinnimo laakiin marka ay gudanayaan shaqadii loogu yeedhay waa ay is hagradaan oo ma jecla geerida. Waxa ay jecel yihiin in ay fadhiga lacagtooda ku qaataan xattaa haddii ay dagaal galaan oo guuleystaan waddanka iyaga ayaa hungureeya oo kama baxaan markaa labada jeerba iyaga waa u guul.
Xalkeennu waxa uu ku jiraa gacanteenna, mareykanka oo aynu naqaanno hadaad eegto taariikhdooda waxa ay soo mareen dagaallo sokeeye balse marnaba kuma dawladoobin dadyow shisheeye oo faragelin ku sameeyay iyaga dhexdooda uun baa islaaxa keenay sida uu doono islaaxu haku yimaaddee.
Aan u imaaddo maqsadka qoraalkeyga, dalka soomaaliya reysalwasaare la’aan waxba uma noqon karo sidii uu maalmihii dhaweyd waxba ugu noqon waayey oo kumeel gaadh ahaan muddada xoogaaga ah Mahdi Guuleed ugu joogey, taasi waa aragtideyda, waa la igu khilaafi karaa la iguna raaci karaa. Waxa ay soomaalidu u baahan yihiin wada hadal dhexdooda ah oo ka madax bannaan shisheeye. Haddii taas la waayo jiri mayso dawlad rasmi ahi.
W/Q: Guuleed Maxamed
Jimce
18 september, 2020.




