Sirdoonka Ingiriiska Oo Sheegay In Basaasad Shiinees Ah Ku Dhex Milantay Baarlamaanka UK

Hay’adda sirdoonka Ingiriiska ee MI5 ayaa bixisay digniin dhif ah oo ku aaddan haweenay basaas u ah Shiinaha oo ku dhex milantay baarlamaanka dalkaasi si saamayn loogu yeesho siyaasadda UK.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Christine Ching ayaa la sheegay in xidhiidh qoto dheer u abuurtay xisbiga talada Shiinaha haya ee CCP iyo xildhibaano baarlamaanka UK ka tirsan iyo kuwa hadda rejo badan ka qaba in ay ku biiraan siyaasadda UK.
Waxaa la sheegay in ay lacago ugu yaboohday siyaasiyiin reer UK ah, lacagtaas oo la sheegay in ay badankeed Shiinaha ka timid.

Arrintan ayaa soo shaac baxday kadib baadhitaan dheer oo ay samaysay hay’adda MI5 sida illo xog ogaal ah ay sheegeen .
Mid ka mid ah xildhibaanada ay lacagaha siisay haweenaydan ayaa lagu magacaabaa Barry Gardiner oo heley lacag dhan £420,000, wuxuuna ka tirsan xisbiga Shaqaalaha, halka Sir Ed Davey oo ka tirsan xisbiga Liberal Democrats uu heley lacag dhan £5,000, xiligaas oo uu ahaa xoghaya tamarta ee Ingiriiska, inkasta oo uu sheegay in qof isaga la shaqeeya yabooh ahaan loogu dhiibay lacagta, haddana ay tahay markii koowaad ee tuhun uu ka galo ujeedka lacagta.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker