Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Oo Kormeer Ku Tagay Deegaano Hoos Yimaada Magaalada Ceerigaabo

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Eng Axmed Cismaan Xasan iyo Masโ€™uuliyiin kale oo wehelisa ayaa kormeer shaqo ku tagay Deegaanka Jiidali ee bariga degmadda Ceerigaabo.

 

Weftigiisu waxaa soo dhawayn diiran ku qaabilay dadweynaha dega deegaanka Jiidali,ย Waayeelka iyo Waxgaradka deegaanka Jiidali oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin Kormeerka uu Gudoomiyah Gobolka Sanaag ku yimid deegaanka Jiidali oo taariikh fac weyn ku leh Gobolka Sanaag Waxaa kale oo ay Gudoomiyaha warbixin ka siiyeen baahiyaha ka jira deegaankaasi ee wax ka qabashada u baahan.

 

Maayarka Magaaladda Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo halkaasi ka hadlay ayaa ka marag kacay doorka deegaanka Jiidali uu kaga suntan yahay nabadgalyadda guud ee gobolka sanaag.

 

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Eng Axmed Cismaan Xasan oo halkasi ka hadlay ayaa uga mahadceliyey dadweynaha deegaanka Jiidali soo dhawaynta ay ku qaabileen waftigiisa waxaanu sheegay in Kormeerkiisu la xidhiidho xog ogaal u noqoshada xaalada guud ee Gobolka Sanaag iyo ogaanshiiyaha baahiyaha ka jira.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker