Xukumada iyo Mucaaradka oo La Filayo in Saaka La isasoo Hor Fadhiisiyo

Kulan fool ka fool ah ayaa saaka la filayaa in ay iskugu yimaadaan masuuliyiinta xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland.

Kulankan ayaa looga hadli doonaa sidii xal loogu heli lahaa khilaafka daba dheeraaday ee salka ku haya doorashada maadxweynaha ee u dhaxeeya xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka.

Labada dhinac ayaa kulankooda waxaa dhexdhexaadinaya Madaxda dhaqanka iyo Golaha Gurtida ee Soomaaliland kuwaas oo isku howlay in mar kale Qalalaase uusan ka dhicin magaalada Hargeysa .

Waa markii ugu horeysay oo kulan fool ka fool ah yeeshaan masuuliyiinta xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka tani iyo markii Hargeysa ay ka dhaceen dibadbaxyadu 9kii bishii hore ee June.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker