Markab u rarnaa Ganacsato reer Somaliland ah Oo Ka Goostay Dekedda Berbera, Isagoon Shixnaddii Laga Rogin

Markab u rarnaa Ganacsato reer Somaliland ah isla-markaana muddooyinkii u dambeeyay ku xidhnaa Dekedda Magaalada Berbera, ayaa halkaa dib uga goostay isagoon Alaabtii laga rogin.

Warar  ayaa sheegaya in Markabku ka goostay Dekedda Berbera, ka dib markii ay is khilaafeen Ninkii Wakiilka u ahaa, kaasi oo deggan dalka Imaaraadka Carabta.

Illaa hadda lama oga meel uu jaan iyo Cidhib dhigay Markabkan oo Ganacsatada Somaliland u siday Alaab lagu Qiyaasay illaa 5 Milyan oo Dollarka Maraykanka.

Warar kala duwan ayaa sheegay in Ganacsatadu ku mashquulsan yihiin inay meel ku ogaadaan Markabkii alaabta u siday, balse illlaa hadda lama oga halka uu ku sugan yahay Markabkaasi.

Xilliga Markabku Alaabta la goostay, ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Maalmo ka hadheen Ciidda Carafo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker