Axmed Madoobe Oo Diiday In Uu Hor Fadhiisto Farmaajo Ilaa Gaddo Laga Saaro Ciidamada
Waxaa baaqaday kulan la filayay inay yeeshaan Madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Dowladd goboleedyada Puntland iyo Jubbaland kaasi oo ka dhici lahaa magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in sababaha shirka uu u baaqday ay yihiin shuruud ka timid Jubbaland oo ah in gobolka Gedo dowladda Federaalka ahi ka soo saarto ciidamada ay geysay.
Waxaana hadda socda dadaaladii ugu danbeyay ee shirkaas dib loogu amb-qadayo, maamulka Jubbaland wali kama taanaasulin go’aankii ay xalay shirka ku baajiyeen, dhinac dowladdana lama oga tallaabada ay qaadi doonto maaddaama shirka ay shuruud adag hortallo, walina dhinacyadu waxa ay wadaan wadatashiyo uu dhinac waliba dib isugu laabanayo.
Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Jubbaland iyo Taliyaha NISA kulan saacado badan qaatay ay yeesheen, arrimaha laga wada hadlay ka mid ahaa arrinta Gobolka Gedo.
Beesha caalamka oo ay hormuud u tahay dowladda Maraykanka ayaa si toos ah ugu lug leh isku keenida madaxda federalka iyo madaxda dowlad goboleedka.




