BAAQ NABADEED OO KU SOCDA COLAADA SOOL

Bismillaahi Raxmaani Raxiim.

 

 

Ujeedo: Baaq Nabadeed.
Aniga IYO Afhayeenka Khaatumo UK:Eng Maxamed Cilmi Dhuuto.
wuxuu tacsi u dirayaa eheladii iyo qaraabadii dhammaan dadkii ku geeriyoodey dagaalka ka socda deegaanada hoos yimaada gobolka Sool. Kuwa dhaawaca ahna Allaha caafiyo Aamiin.

Waxaan ugu baqaynaa walaalaha ku dagaalamaya gobolka Sool in ay joojiyaan colaada si shuruud la’aan ah. Waxaan codsaneynaa in khilaafka jira lagu xaliyo wadahadal.

Waxaan sidoo kale ka codsananaynaa in hoggaamiyaasha, odoyaasha dhaqanka, wax-garadka, culumaa’udiinka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in ay kaalin weyn ka qaataan sidii loo joojin lahaa dagaalka iyo dhiiga daadanaya ee dadka walaalaha ah.

Waxaanu ugu baaqayna mar kale waxgaradka iyo odoyaasha labada dhinac in ay waxkastaba u huraan joojinta dagaalka. Waxaan ku dhiiri-galinaynaa labada dhinacba inay dhexda u xirtaan sidii lagu gaari lahaa nabad waarta oo u dhaxeysa dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya gobolka Sool.

Waxaan dhinacyada dagaalamaya xasuusinaynaa in dagaal uusan faa’ido lahayn isla markaana dagaalku yahay mid dad ehel ah ay ku waxyeeloobeen. (Dagaal Wiil baa ku dhintee Wiil kuma Dhasho).

Ugu danbeyntii waxaan qof waliba oo nabadda jecel aan ugu baaqeynaa inay qeyb ka qaataan joojinta dagaalka si aysan ku xirneyn shuruud. Waana in ay jirto dib u heshiisiin dhab ah oo laga gaaro dagaalka iyo khilaafka jira Insha’Allah.

Mahadsanidiin.
Eng/CabdiNasir Garaad Abshir Saalax
London/

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker