Villa Somalia oo ka hadashay kulanka Farmaajo, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe

Muqdisho (OWN) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa si rasmi ah u furi doona wadahallada arrimaha doorashada ee u dhaxeeya dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland.

Kulankaan oo horay loo sii qorsheeyay, waxaa si hordhac ah uga hadlay agaasimaha madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed kaas oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook.

 

 

Agaasimaha wuxuu sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in xalay Villa Soomaaliya ay kulan casho ah ku yeesheen xubnaha shirka ka qeyb galaya, isagoo rajeeyay iney kasoo baxdo natiijo saldhig u noqota doorasha wakhtigeeda ku dhacda.

 

 

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa qaadacay wixii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb wajigiisa saddexaad, waxeyna Muqdisho ku yimaadeen cadaadis ka yimid Beesha Caalamka.

Maanta waxey labada madaxweyne kulamo la qaateen xubno ka tirsan xisbiyada mucaaradka oo ay ugu waaweyn yahiin (Xisbiga Midowga Nabdda iyo Horumarka iyo Xisbiga Wadajir.

 

 

HALKAN KA AKHRISO WARKA AGAASIMAHA:

 

Madaxweyne JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa si rasmi ah u furaya wadahadallada arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubaland.

 

 

Xalay ayay madaxdu ku yeelatay Villa Soomaaliya kulan casho sharaf iyo soo dhaweyn ah oo horudhac u ah kan caawa loo ballansan yahay.

Waxaan rajaynaynaa in ay kasoo baxdo natiijo wanaagsan oo ay saldhig u tahay in ay dalka ka qabsoonto doorasho waqtigeeda ku dhacdo Insha Allaah.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker