Haddii Calaamadahan Aad Taleefankaaga Iphone Ka Ah Ku Aragto, Waxa Aad Ogaataa In Lagu Basaasayo

Dad badan ayaa muddooyinkii u dambeeyey cidhifka sare ee midig u xiga taleefannadooda iPhone ka ah ku arkayey dhibic yar oo midabka liinta leh (Liimi ah) mararka qaarkood ka soo muuqanaysa marar kalana qarsoomaysa. Sidaas waxaa sheegtay majaladda Fortune ee ka soo baxda dalka Maraykanka oo sheegtay in calaamaddan la arkay intii ka dambaysay cusboonaysiintii u dambaysay ee lagu sameeyey barnaamijka ka shaqaysiiya Alle ee iOS, waxa aanu ku yimi dadaal ay shirkaddu doonayso in ay ku ilaaliso xogta macaamiisheeda, kana hortagto cidda doonaysa in ay xogtaas la baxdo si ay uga faa’iidaysato soo saarista barnaamijyada iyo adeegyada hadba loo baahan yahay isla markaana u wanaajiso kuwa hadda jira. Calaamaddan ayaa ay warbixintu sheegtay in ay sheegayso in mid ka mid ah barnaamijyada taleefankaaga ku jiraa uu basaasayo xogtaada ama kamaradda taleefankaaga uu isticmaalayo.

Shirkadaha iyo shakhsiyaadka sameeya adeegyada (Applications ka) ayaa dhaqan u leh in ay ku daraan awood u ogolaanaysa in ay dhexgeli karaan taleefanka guud ahaantii ama kamaradda iyaga oo aan wax fasax ah qaadan, si ay u helaan xogaha ku kaydsan. Adeegyadan ayaa loo yaqaannaa ‘Baraamijyada basaasidda’ ama ‘Baraamijyada dabagalka’ laakiin taleefanka cusub ee Apple ka ayaa hadda xal u helay kaddib markii ay shirkaddu ku guulaysatay in marka barnaamijka noocan ahi shaqaynayo in ay soo baxdo calaamadda midabka liimiga ah leh, gaar ahaan marka iOS ka la isticmaalayaa uu yahay 14.

Calaamaddan cusub ee ay shirkadda Appl macaamiisha taleefannadeeda ku tusayso in la basaasayo, ayaa ah mid ay doonaysay in ay ku wanaajiso sumcaddeeda oo loo arko shirkad ilaalinaysa xogta macaamiisheeda maadaama oo calaamaddani ay qofka tusayso in basaasidi ay ku socoto. Waxa aanay xeeldheereyaasha Tiknoolajiyadu sheegayaan in ay tahay tallaabo ay shirkaddu dhaaftay shirkadaha kale ee taleefannada gacanta ee ku shaqaeeya barnaamijka ‘Android’ ka oo iyagu aan weli yeelan awood ay macaamiishooda uga digaan haddii cid kale ay taleefankooda basaasayso ama barnaamij ku jira taleefanku uu si qarsoodi ah xogtooda u dirayo.

Talo

Maadaama oo barnaamijyo ku jira taleefankaagu awood u leeyihiin in ay basaasaan xogtaada ama kamaradda ama cod duubaha kugu shidaan adiga oo aan is ogeyn, waxa cad in sidaas oo kale hay’adaha sirdoonku u heli karaan xogaha kugu jira taleefanka.

Sida ugu habboon ee arrintan looga feejignaan karo ayaa ah in laga taxaddaro barnaamijyada lagu soo dejinayo taleefanka ama Kombiyuutarka, gaar ahaan in laga hubiyo awooddooda iyo meelaha ay tegi karaan, maadaama oo qaarkood bilowgaba kuu sheegayaan ama kaa dalbanayaan fasax, sida in aad u ogolaato in ay diiwaankaaga taleefannada galaan ama in ay kamaraddaada galaan. Siyaahaba ugu fudud ee uu qofku ku garan karo in barnaamijkani uu basaasi karana waxaa ka mid ah in uu furo barnaamijku qaybta uu iskaga warramayo gaar ahaan qaybta loo yaqaanno ‘Privacy’ oo inta badan uu ku sheegayo meelaha taleefanka ka midka ah ee uu gelayo ama furi karo.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker