Ayatollah Ali Khamenei: Imaaraadka Carabta waxaa raacday Ceeb aan abid ka hadhi doonin

Tehran (OWN) – Hoggaamiyaha sare ee Iraan ayaa ku eedeeyey Imaaraadka Carabta inay khiyaameeyeen dunida muslimka, markii ay go’aansadeen inay xidhiidh la yeeshaan Israel.

Ayatollah Ali Khamenei ayaa khudbad laga sii daayey taleefishinka Talaadaadii waxa uu ku sheegay in Imaaraadka ay dhabarka ka mindiyeeyeen Islaamka, ayna weligood ceeb ku noolaan doonaan.

 

 

“Dabcan, khiyaanada Imaaradka masii jiri doonto, hase yeeshee ceebta ka raacday weligeed waa la xusuusan doonaa,” ayuu yidhi Ayatollah Ali Khamenei.

 

“Waxay maamulka Sahnuuniyadda u ogolaadeen inuu gobolka soo galo, waxayna hilmaameen Falastiiniyiinta. Imaaraadku weligood waa ay ceebeysnaan doonaan. Waxaan rajeynaa inay soo baraarugaan oo ay magdhow ka bixiyaan wixii ay gaysteen,” ayuu yidhi.

Mas’uuliyiinta Iran ayaa si xooggan u cambaareeyey Heshiiska Mareykanka uu fududeeyey ee Israel iyo Imaaraadka, waxayna ka digeen in xidhiidhkooda uu dagaal ka hurin karo gobolka.

 

 

Dhinaca kale, sarkaal u hadlay wasaaradda arrimaha Debedda Imaaraadka Jamal al-Musharakh ayaa ku gacan seedhay hadallada Khamenei, wuxuuna sheegay in “waddada nabadda iyo barwaaqada aan lagu gaadhin hadallada naceybka iyo hurinta ku dhisan Colaadaha,”

“Hadallada noocan ah waxay lid ku yihiin nabadda gobolka,” ayuu yidhi Musharakh.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker