Maxaa ka Jira in Ciidamda Israaiil Duqayn ku Dileen Taliyihii Ciidanka Alqudus ee Iiraan Jeneral Ismaaciil Qaani.

Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Ciidanka Millateriga Suuriya iyo Jennaraalo ka tirsan kacaanka Iraan ayaa lagu dilay duqeyn ay fuliyeen Diyaaradaha Dagaalka Israa’iil ee F35 ee aanu Raadaarku qaban karin, waxaana lasoo shegayaa in uu jiro khasaare xooggan oo gaadhay Sarakiisha iyo Ciidamada la duqeeyay.

 

Duqeynta oo ka  dhacday sida la sheegay Meel u dhaw Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda dalka Suurya ee Dimishiq, halkaasoo ay ku sugnaayeen Mas’uuliyiinta duqeynta lagu dilay.

Wararku waxa ay sheegayaan in mas’uuliyiinta la dilay ay ku jireen Madixii Xafiiska Amniga Qaranka Suurya Jeneral Cali Mamluuk iyo Taliyihii Guutadda Quddus ee Ciiddanka Ilaaladda Kacaanka Iiraan Jeneral Ismaaciil Qaani.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker