Wasiirka Arrimaha Dibedda Burundi oo booqasho ku yimid Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibedda, Horumarinta iyo Iskaashiga ee Burundi Albert Shingiro iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, oo ay uga billaabatay booqasho rasmi ah oo laba maalin ah.

Shingiro ayaa waxaa magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac, oo ay kulan horudhac ah ay ku yeesheen caasimadda.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay Wasiir Abshir, kulanka labada mas’uul ayay uga wada hadlen taageerada xagga ammaanka ah ee Burundi ay siiso Soomaaliya, iyagoo qayb ka ah hawlgalka ATMIS ee ciidamada Midowga Afrika.

Wafdiga wasiirka oo uu ka mid yahay General Silas Ntigurirwa, oo ah la-taliyaha Madaxweynaha Burundi ee dhanka Ciidamada ayaa la filayaa inay la kulmaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo sida la sheegay la wadaagi doona dhanbaal ay ka sidaan madaxweynaha Burundi Évariste Ndayishimiye.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker