Kulan dhex maray safiirka Taiwan ee Sweden iyo guddida ictiraafraadinta JSLee Sweden
Ururka ictiraaf raadinta Somaliland ee Sweden oo ay ka socdaan, Maxamed Yusuf Bidhiidh( Badda) , Xuseen Abaadir iyo Mukhtar Aadan Bulaale ayaa maalintii arbacada ee 26 aug kulan la yeeshey safiirka Taiwan u fadhiya Sweden Ambassador Vincent Yoa iyo ku xigeenkiisa Paul Hueng.
Kulanka oo ahaa qado sharaf uu safiirku u fidiyay xubnaha guddida ayaa ahaa mid si weyn loo soo agaasimay.
Ururka ictiraaf raadinta Somaliland ee Sweden waxay safiirka uga mahad celiyeen casuumaada uu u fidiyey iyo wakhtiga qaaliga ah ee uu u horay kulanka. Guddidu waxayna ku bogaadisay xidhiidhka cusub ee Somaliland iyo Taiwan ay wadda samaysteen.
Gudidu waxay uga warantay safiirka shaqooyinka ictiraaf raadinta iyo dadaalada ay ka wadaan dalka Sweden iyo siday iyaga oo ah muwaadiniin iskood isku xilqaamay ay markasta saaxiibo ugu raadiyaan JSL.
Labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal iyo sidii la iskala kaashan lahaa caqabadaha hortaagan hadafka siyaasadeed ee labada dal meel kasta oo ay joogaanba.
Kulanku wuxuu kusoo gabagaboobay
* Muhiimada is arag dhakhso ah oo dhexmara labada safiir, Amb Sakariye iyo Amb Vincent Yao
* Sii xoojinta iyo wada shaqaynta bulshada reer Somaliland ee Sweden iyo safaarada Taiwan.




