Ha ismoodin keligaa anba kula mid baan ahay

Sanadka  2020 , Imitaxaanka shahaadigga ee dugsigga sarre weli kama ay qayb gelin degmadda aniga iyo Osman Omar dool aanu kasoo jeednaa ee saba-wanaag, hal ceel oo riiga oo biyo lagga cabaa kuma yaalo , jeel maxaabiista laggu xidho maleh , intaa waxaa u dheer ogaansho la aanta aan cidiba ka war haynin .

Degmadayda kale ee Cadaadley ee aanu kasoo jeedno aniga iyo saaxiibkay Najax aadan cunaaye , 1960 waxay ahayd Degmo xigeen u dhiganta Gabiley iyo Oodwayne  , degmo xigeentaas oo uu dhigmaysay degmo buuxdana waxaa siisay Boqortooyadii aan cadceedu ka dhici jirin ee Great Britain , maantana waa D  oo ah degmo ku meel gaadha oo aan sharciyeysnayn , iyadoo ka hoosaysa heerkii ay joogtay 60 sanadood ka hor dhan kasta oo lagga eego  .

Sidaa labada degmo ee aanu kasoo jeednaa D u yihiin ayuun baana dhan kasta maanta dadkaygu D u yahay oo uu dhan walba uga habsaamay , hadii saaxiibkay Barkhad miidayaha ka ooyeyna , anaba duruufaha dadkayaga haysta habeen iyo maalin hoosta ayaanu kala ooyaynaa , saaxiibkay Barkhadna waxaan leeyahay , ha ismoodin keligaa amba kula mid baan ahay .

 

 

WQ: Axmed Nuur Guruje

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker