Madaxweyne Farmaajo Oo U Ambabaxay Magaalada Addis Ababa Ee Dalka Ethiopia.

Muqdisho-(OWN)-Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhowayd ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya iyagoo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Shir ay isugu imanayaan Madaxda IGAD ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco magaalada Addis Ababa, kaasi oo looga hadli doono xaalada dalka Eriteria iyo sidii uu mar kale xubin uga noqon lahaa Urur gobaleedka IGAD.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Madaxda wadamada Somaliya, Itoobiya iyo Eriteria heshiis iskaashi ay ku kala saxeexdeen magaalada Asmara.

 

Image result for farmaajo safar

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker