Madaxwaynaha Somaliland oo Qaabilay Khabiir Aqoon u leh Taasaarta Qadiimka ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta qaabilay Aas-aasaha, ahna agaasimaha fulinta ee ururka Horn
Heritage Organization, Dr. Sada Mire.

Ugu horrayn agaasimaha ahna Aas-aasaha ururka, Dr. Sada Mire ayaa madaxweynaha warbixin iyo sharraxaad dheer ka siisay muhiimadda ay

qaranka u leeyihiin goobaha taariikhiga ah ee ku duugan dalka oo ay ku samaysay cilmi-baadhis qoto dheer taasoo muddo qaadatay, iyadoo wakhti

 

gelisay sidii dadka ku dhaqan Somaliland wax uga ogaan lahaayeen taariikhihii qadiimka ahaa ee uu soo maray dalkoodu qarniyadii kala danbeeyey.

Ururka Horn Heritage Organization oo ka shaqeeya goobaha ay ku duugan yihiin taariikhaha iyo Ataarta qadiimiga ah oo muddo ku hawlanaa sidii goobaha taariikhiga ah ee Somaliland bulshada caalamka loogu bandhigi.

 

lahaa, ayay Dr Sada Mire ka diyaarisay goobahaas Buugaag dhaxal-gal ah oo xambaarsan taariikho ku siman boqollaal sanno oo ay haatan gacanta ku hayso wasaaradda ganacsiga,

wershedaha iyo dalxiiska Jamhuuriyadda
Somaliland.Ugu danbayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ku bogaadiyay aqoonyahanad Dr Sada Mire wakhtiga naf-huridda ah ee ay gelisay sidii ay wax uga qori lahayd Ataaraha qadiimiga ah ee ku duugan
dalka, taas oo ay si muwaadinimo ah isugu xilqaantay inay diyaariso xogo

muhiima oo muujinaya qarniyadii ina dhaafay iyo raadadkii aynu soo marnay Warbixintaas oo dhamaystiran Halka Hoose ka Daawo:

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker