HAYBSOOCO WAA DHIBAATADA UGU GUN-BALAADHAN EE BULSHADEENA KA DHEX-JIRTA

 Waxa  maalmihii la soo dhaafay baraha bulshada haystay wasiir Mahdi Cismaan Buuri  oo la ilmaynaya, dareenka gocoshada xambaarsan ee gunta hoose ee xusuus reebka jidhkiisa sida il biyo leh oo kale uga  soo burqanayay. Waxa hubaal ah in dareenka qalbigiisa  ruxayaa uu yahay dhibaatada quudhsiga iyo takoorku ay ku hayaan bulshadiisa.

Waxa ka ilmaysiinayaa waa uurkutaalo iyo aramida jiifta dareen wada-yaasha jidhkiisa,  oo marba sida gufaacada roobka oo kale  u gilgilaysay damiirkiisa iyo shucuurkiisa

Mahdi Cismaan Buuri iyo inta la dareenka ahi  way ka gam’i la haayeen, haddii ay ogyihiin, in walaalahooda tacadiga iyo gabood-falka  u gaysay ay garowshiiyo iyo raaligalin waafiya maalin uun ka siin la haayeen.

 Waxa  hubaal in arrinta haybsooco ay tahay midda  ugu xanuunka badan ee ka dhex-muuqata dhaqanka iyo sooyaalka bulshada Somalida, iyada oo aynu ognahay in mushkiladani si gun-balaadhan uga jirto dhulka ay Somalidu dagto oo dhan, islamarkaana  aanay jirin cid maanta lagu ogyahay in ay howshan u igman tahay, kana shaqaynayso sidii loo soo afjari lahaa caadadaa foosha xun ee bulshada ku dhex-baahday.

Inkasta oo ay Somalidu tahay  bulsho isku dhaqan ah, isku diin ah, isku isir ah, isku midib ah, isku luuqad ah, oo aanay jirin waxay ku kala duwan yihiin, hadana waxa  muuqata in dhexdeeda ay ka jiraan xadgubyo baaxad weyn oo ay dad badani xuquuqdoodii aas-aasiga ahayd ku waayeen.

Ma jirto  qiil iyo cudur-daar looga heli  karo hagardaamooyinka intaa-leeg ee bulshadaa lagula kacay,  Diinta Islaamka iyo Xeerarka caalamiga ah toona.  Waxay se arrintani   salka ku haysaa oo qudho  borobogaando, ku-turi-kuteen iyo been lagu cel-celiyay oo run loo ekaysiiyay.

Dhaqanka duudsiga iyo isir-faquuqa ku dhisani waxa uu  yimaadaa markay ummaduhu ka durkaan aqoonta, xadaaradaha iyo ilbaxnimooyinka ay aadamuhu quutaan.

Dhaqanka duudsiga iyo isir-faquuqu ku dhisani waxa uu yimaadaa markay bulshooyinku  ku saaqidaan nidaam la’aanta iyo fowdada, islamarkaana ay dhinac maraan shuruucda iyo xeerarka  ay ummaduhu ku hagmaan.

Dhaqanka duudsiga iyo isir-faquuqu ku dhisani  waxa uu yimaadaa marka ay ummadi cagta saarto dariiqa  jahli, kibirka, ismuquuninta iyo isla-waynaanta.

Si kastaba ha ahaatee, waxay arrimahan iyo kuwo kale oo badaniba  ka soo unkameen  noloshii adkeyd ee ay  Somalidu dhulka baadiyaha ah ku soo qaadatay mudada aadka u dheer, halkaas oo aanuu ka jirin maamul iyo nidaam dowladeed oo bulshada u dhexeeyaa, islamarkaana u ilaaliya xuquuqaha ay wada leeyihiin iyo kuwa ay kala leeyihiinba.

Markii beelihii Somaliyeed ee reer guuraaga iyo raacatada ahaa ay waayeen, awood dhexe oo kula dhexjirta, waxa xadhkaha goostay hardan iyo loolanka u dhexeeya beelaha ood-wadaagta  ah, taa soo horseeday  in reerba reerka uu ka  tiro badan yahay uu cagta mariyo, halkaana ay ka curtaan dhaqamo iyo ficilo siloon oo ilaa maanta loo maaro-laayahay.

Haddiì ay  ummad  dhexdeeda ku faafaan dulmiga iyo cadaalad-daradu waxay dhadhamisaa dhibaatooyin  isbarkan oo noloshii macaanka ahayd qadhaadh uga dhiga, khilaafaadka iyo iyo colaadahana wax  joogto ah ka dhiga.

Ugu denbeyn waxaan farta ku fiiqi lahaa in bulshada Somaliland oo isku-dhami,  ay dhexda u xidhaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada haybsooca iyo quudhsigu ay bulshadeena  ku hayaan . Maxaayeeley waa waajib diini ah, in wax kasta oo aan diinta ku banaanayn lala dagaalamaa.

 Waxa haboon in xukuumaddu ay  la timaado qorshe cad oo ay wax kaga qabanayso dhibaatadan haybsooco ee bulshadeena ku dhex-xididaysatay, iyada oo sicilmiysan ugu sargoynaysa inta ay mushkiladdu leegtahay iyo inta ay soo jirtayba, islamarkaana qorshahaa u qaybinaysa mid dhow iyo middheer oo ka turjumaya dhumucda iyo baaxadda ay howshu leedahay.

Geesta kale waxa iyana daruuri ah,   in ay hogaamiyayaasha  bulshadu door muuqda  ka qaataan  sidii loo soo afjari lahaa   dhaqankan liita ee bulshadeena kala irdheeyay, haddii ay yihiin culimada Diinta, haddii ay yihiin ururada bulshada, haddii ay yihiin ururada saxaafada, haddii ay yihiin aqoonyahan, haddii ay yihiin suugaan yahanka, haddii ay yihiin madax-dhaqameedka iyo haddii ay yihiin ganacsatada iyo inta maalka haysata.

By CUMAR AXMED CALI: cumaraxmed331@gmail.com: tel,0634244802.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker