Xisbiga Wada jir ee Dalka Somalia oo War Saxaafadeed kasoo Saaray Shirkii Dhuuso mareeb 3
Muqdisho (OWN) – Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo siyaasiga C/raxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray wuxuu kaga hadlay shirkii lagu soo gaba-gabeeyey gudaha Dhuusamareeb iyo heshiisa lagu gaadhay.
Qoraalka Xisbiga ayaa waxaa lagu sheegay in heshiisku uu qabyo yahay, islamarkaana ay ka maqan yihiin labo dowlad goleedyada qaar iyo saamileyda siyaasadda, balse Xisbiga Wadajir ayaa xusay in heshiiskaas uu arku mid gogol xaadh u ah doorashada.
Sidoo kale xisbiga ayaa tilmaamay in heshiiska uu dhigayo doorasho aan toos aheyn, taas oo uu sheegay in lala soo daahday, islamarkaana dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ay ku fashilantay qabashada doorasho iyo qof cod ah.
Warka ka soo baxay Xisbiga Wadajir oo ka mid ah xisiyada siyaasadeed ee dalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay si loo fuliyo heshiiskaas in loo baahan yahay in wada-hadal lala furo Jubbaland iyo Puntland iyo saamileyda siyaasadeed, si loogu qanciyo.
Waxa kale oo uu xXsbigu ka digay muddo kororsi iyo inay dib uga dhacdo doorashada xilligeeda.
Ugu dambeyn Xisbiga Wadajir ayaa u mahadceiyey shacabka iyo madaxda Galmudug oo marti-geliyey wejiga saddexaad ee shirka magaalada Dhuusamareeb.
Halkan hoose ka aqriso:






