Qasaariha Hotel Elite oo Kor u Dhaafay 17 Qof oo Dhimasho Ah

Muqdisho (OWN) – Inta la xaqiijiyey ku dhawaaad 17 qof ayaa ku geeriyoodeen weerar ku bilowday qarax oo ka dhacay hotelka Elite ee ku yaala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ku dhowaad 30 ruux, walina waxaa gudaha hoteelka ka socda rasaas ay is dhaafsanayaan kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Dowladda ayaa wada isku day ku aadan sidii ay u soo badbaadin lahaayeen dadka ku jira gudaha Hotelka.

Shaqaaaha caafimaadka ayaa sheegay inay daad gureeyeen ilaa haatan 27 qof oo dhawaaca ah.

 

Dadka weerarkan ku dhintay ayaa waxaa kamid ah Agaasimihii Xidhiidhka Goboladda ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cabdullaahi Cabdi iyo Daahir Cali oo ka tirsanaa howl-wadeennada Wasaaradda Gaashaandhiga XFS

 

Sidoo kale waxaa dadka ku dhaawacmay kamid ah wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug Axmed Washiton, Sawirqaade Maxamad Cararaaye Foorno oo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ka tirsan iyo Fanaanad Faiza Beela oo ka tirsan Kooxda Heegan.

Nawaaxiga xeebta Liido ayaa ah meelaha ay sida badan u aadaan dadka rayidka ah iyo shaqaalaha dawladda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker