Shicibka ha laga qabto Shiikh Cali Mukuli

Shiikh Cali Mukuli wuxuu bedelay Shiikh Rusheeye, oo Burcoa ayuu sideed cisho dadka ku rushaynayay. Wuxuu meel ku xareeyaa dumar aad u fara badan dabeed quran ma akhriya yo ee microphone buu afka saarayaa uu waxaan hadalo ahayn ka odhanayo sida umumumum  iyo guuxyo kale. Arinka uugu cajaayibka badan ee maalin sideedaadii dhacay wuxuu ahaa in uu gabadh ku qanciyay inay masaabiir iyo timo soo hunqaacday. Caloosha dadku masaabiir ma hayn karto oo wayba dhaawici lahaayeen caloosha qofka. Dadka shiikha dawo u doona nayaa layaab malaha oo dad masaakiin ah oo isle waa ku caafimaadaysaan ee waxa la yaable dowlada iyo culimada ku eegaysa nin shiikh sheeganaya oo diinta ku adeeganaya oo shicib masaakiin ah lacag kaga guranaya arin aan ilaahay raali ka ahayn. Dowlada iyo culimadu maxay isaga indha tirayaan shaydaan kan dadka waalaya oo istaahila in jailka la dhigo. Shicibka masaakiinta ah ee dumarka u badan ha laga qabto Shaydaan mukuli oo wuxuu wadaa diinta islaamka ka soo hor imanayso. Siiba waxa masuuliyada dadkaa qaadaya wasaarada diinta iyo awqaata iyo culimada shaydaankaa ka qaban wayday umada. Waad argagixi hadaad daawato sida uu Shaydaan Mukuli u gelayo shicibkaa reer Somaliland hadaba ha loo hiiliyo ummada oo ha laga qabto Fircoonkan dadka diin tooda iyo yiaiin tooda wax u dhimaya.

 

Somaliland Justice

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker