Natiijada doorashooyin-goboleedyada Itoobiya oo laga digay inay sababto iskudhac

Kooxda Xasaradaha Caalamiga ah ayaa ka digtay khatar isku dhacyo oo ka dhalan kara muranka doorasho ee u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo maamullada gobolka waqooyiga dalkaas ku yaalla ee Tigray.

Kooxdan ayaa qoraal ay soo saareen ugu baaqay labada dhinac inay arrinta xalliyaan.

Saraakiisha Tigreega ayaa ka soo horjeestay amarka dowladda federaalka, iyagoo wacad ku maray in bisha soo socota ay qaban doonaan doorashooyinka gobolka.

Doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa lagu waday inay qabsoomaan bishan, balse muddo aan la cayimin ayaa dib loo dhigay, sababo la xidhiidha xanuunka coronavirus iyo rabshado ka dhashay dilkii loo geystay fannaan caan ahaa oo ka soo jeeday gobolka Oromia.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker