Maxaa ka cusub sharciga UK ee dadka ka soo dhoofaya Faransiiska?

Laga bilaabo berri oo Sabti ah, dadka ka imaanaya Faransiiska ee tagaya UK iyo dalal kale oo dhowr ah ayaa ku qasbanaan doona inay is karantiilaan muddo 14 maalmood ah.

Dhammaan dadka safraya – oo ay ku jiraan muwaadiniinta UK – waxaa laga doonayaa halka ay ka degayaan Britain, meeshaas oo ah halka ay isku karantiili doonaan. Haddii ay diidaan inay warbixinnadaas ku buuxiyaan foomka waxaa lagu ganaaxi doonaa £100.

Dadka aan is karantiilin ayaa iyaguna lagu ganaaxi doonaa £1,000 gudaha England, Wales iyo Waqooyiga Ireland, halka kuwa ku sugan Scotland lagu ganaaxi doono £480. Waxaa sidoo kale jira ganaax dhan £5,000 oo laga qaadi doono kuwa sida joogtada ah u jebiya sharcigaas.

Waad isku dayi kartaa inaad UK tagto kahor inta uusan sharcigan dhaqan gelin. Balse waxaa loo maleynayaa in in ka badan 150,000 oo dalxiisayaal UK u dhashay ay haatan ku sugan yihiin Faransiiska, waxaana la filayaa in tan ay sababto in kumannaan kun ay buux dhaafiyaan garoomada ayagoo ka cararaya inay is karantiilaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker