Arsenal Oo Ciyaaryahanka Willian Kala Soo Wareegtay Chelsea

Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddigii hore ee kooxda chelsea ee Willian kaas oo qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah.

Imaatinka Xiddiga 32 jirkan ayaa lagu xaqiijiyay Twitter-ka isaga oo qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah isaga oo kooxda u xidhan doona Lambarka No.12.

Willian ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee kooxda Arsenal ee suuqa xagaagan isaga oo kooxdiisa cusub todobaadka dambe kula biiri doona isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan noqday Xiddig Arsenal ah, ma sugi karo in aan bilaabo tababarka lana kulmo xiddigaha aan isku kooxda ahay”ayuu Willian yidhi.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker